Monday, September 16, 2024

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo booqday Eritrea

Asmara (Dawan)- Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo uu hogaaminayay Claver Gatete, Xoghayaha Fulinta ee Guddiga Dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika, waxeyna kawada hadleen istaraatiijiyadaha horumarineed ee Eritrea iyo iskaashiga gobolka.

Madaxweyne Isaias ayaa tilmaamay sida ay Eretria diiradda u saarayso hindisaha ka faa’iideysiga khayraadka dabiiciga ah sida beeraha iyada oo uu barbar socdo qorshaha lagu hormarinayo kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta iyo qaybaha kale ee muhiimka ah sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea, Yemane G. Meskel.

Madaxweynaha Eritrea ayaa sheegay in ka gudubka caqabadaha saboolnimada, musuqmaasuqa, iyo faragelinta dibadda ay muhiim u tahay Afrika si ay uga faa’ideysato awooddeeda buuxda oo ay u abuurto iskaashi dibadda oo macno leh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay iskaashiga gobolka si loo gaaro horumar wadajir ah, wuxuuna ballan qaaday in dalkiisu diyaar u yahay xaqiijinta yoolalka lagu gaari karo wadashaqayn dhamaystiran.

Wafdiga Qaramada Midoobay ayaa xusay in ujeedada socdaalkooda ay tahay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya Eritrea iyo UN, iyadoo diiradda la saarayo horumarinta arrimaha mudnaanta u leh shacabka Eritrea, sida mashaariicda lagu balaarinayo tamarta la cusboonaysiin karo iyo wax soo saarka beeraha

Wafdiga ayaa sidoo kale kulamo isdaba joog ah la yeeshay dhowr wasiir iyada oo la is dhaafsaday qaababka ugu habboon ee loo wada shaqayn karo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here