Thursday, September 19, 2024

Wafdi ka socda ururka Bulshada Bariga Afrika oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho (Dawan)- Wafdi ka kooban xildhibaano oo ka socda Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika ayaa soo gaaray maagalada Muqdisho, waxaana soo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo uu hoggaaminayo Habdhowre Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Cabaas Cali Ibraahim.

Wafdigan oo casuumaad rasmi ah ka helay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqasho labo maalin ah ku joogi doona magalada Muqdisho, iyagoo la kulmi doona guddoonka labada aqal iyo madaxda kale ee dowladda.

Xildhibaannadan ayaa Baarlamaanka Soomaaliya warbixin ka siin doona qaabka loo dhisaayo xildhibaannada Soomaaliya ku matali doona Bulshada Bariga Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaa loo oggolaaday in ay ka mid noqoto ururka Bulshada Bariga Africa, bishii November ee sannadkii tegay, iyada oo noqotay dalkii sideedaad ee ka mid noqda ururka tan iyo markii dhidibada loo taagay sannadkii 2000.

ku biirista Soomaaliya ee Bulshada Bariga Africa ayaa loogu dhawaaqay shir madaxeedka 23-aad ee madaxda EAC, kaas oo ka dhacay Magaalada Arusha ee dalka Tanzania, waxaana la siiyay muddo lix bilood ah si ay hay’adaha sharciga ah usoo ansixiyaan.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii December ee sannadkii 2023 saxiixay heshiiska ku biiritaanka Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here