Monday, September 16, 2024

Wajeer oo laga billaabay hubinta lahaansha dhulka

Wajeer (Dawan)- Waaxda dhulka ee Ismaamulka Wajeer, ayaa si rasmi ah billaawday hannaan lagu xaqiijinayo sax ahaanshaha iyo sharciga lahaanshaha dhulka.

Hindisahan ayaa loogu talagalay in lagu fududeeyo soo saarista warqadaha qoondaynta iyo lahaanshaha dhulka, wax ka qabashada murannada muddada dheer ka taagnaa lahaanshaha dhulka ee ismaamulka, hubinta saxnaanta diiwaannada dhulka, iyo in mulkiilayaasha xaqa ah la siiyo dukumentiyada sharciga ah ee lagama maarmaanka ah.

Wacyigelin ballaaran oo loo sameynayay dadka deegaanka, isla markaana lagu daahfurayay barnaamijka Waaxda Dhulka oo ay hoggaamineyso Wasiir Sacdiya Axmed Cabdi, ayaa si rasmi ah looga bilaabay degmo-waxeedka Waagberi, iyada oo la kaashanaysa mas’uuliyiin ka socday dowladda federaalka.

Intii lagu guda jiray barnaamijka, dadka deegaanka ayaa loogu dhiirrigeliyay inay xaqiijiyaan lahaanshaha dhulkooda, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo loo gudbinayo Guddiga Qaran ee Dhulalka, si ay Wasaaradda Dhulka iyo Qorshaynta u soo saarto warqadaha qoondaynta iyo lahaanshaha dhulka.

Hawlgalka xaqiijinta dhulalka oo ismaamulka ka billowday ayaa la qorsheeyay inuu socdo illaa 3-da October 2024, waxaana lagu ballaarin doonaa 11-ka degmo-waxeed ee ay magaalada Wajeer ay ka kooban tahay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here