Tuesday, October 22, 2024

Wajeer oo laga xusay maalinta halyeeyada Kenya

Wajeer (Dawan)- Ismaamulka Wajeer ayaa ka mid noqday meelaha si weyn loogu dabaaldegay Maalinta Mashujaa, oo lagu xusayo geesiyaashii u soo halgamay xorriyadda Kenya. Wajeer, oo ah goob taariikhi ah oo hoy u ah halyeeyo badan, ayaa lagu maamuusay dadkii door muhiim ah ka qaatay taariikhda iyo horumarka Kenya. Inkasta oo halyeeyada dalka had iyo jeer la xuso, hadana Maalinta Mashujaa waa mid gaar ah oo loogu talagalay in si qoto dheer loo qadariyo.

Xuska maalinta Mashujaa ee Wajeer waxaa hoggaaminayay Barasaabka Wajeer, Axmed Cabdullaahi, iyo ku xigeenkiisa, iyadoo ay sidoo kale ka soo qeyb galeen halyeeyadii u soo halgamay xorriyadda dalka iyo dadweyne kale. Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay suugaan iyo heeso lagu ammaanayay laamaha kala duwan ee dowladda iyo shaqooyiinkii ay qabteen geesiyaasha.

Dhankiisa, Barasaabka Wajeer, Axmed Cabdullaahi, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay barnaamijka caafimaadka qaran, isaga oo ku celiyay hadalkii ku xigeenkiisa oo ku saabsanaa helitaanka adeegyo caafimaad oo wada dhan, taas oo muhiim u ah bulshada Wajeer iyo guud ahaan Kenya.

Munaasabadda maalinta Mashujaa ee Wajeer ayaa ahayd mid si weyn loogu ammaanay halyeeyadii dalka Kenya iyo dadaalladii ay u galeen xorriyadda, iyadoo sidoo kale la xoojiyay wadajirka iyo nabadda bulshada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here