Monday, September 16, 2024

Wajiga 2-aad ee wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya oo lasoo hormariyay

Ankara (Dawan)- Dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa toddobaadka soo socda ku yeelan doona dalka Turkiga wareeggii labaad ee wada-hadallada tooska ah, kaddib markii Ankara ay miiska soo saartay hindise ay u aragto in lagu xallin karo khilaafka u dhexeeya labada dal ee deriska ah, sida uu Jimcihii sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku kulmi doona Ankara toddobaadkan (lama sheegin taariikhda) si ay uga wadahadlaan khilaafka ku saabsan heshiiska dekedda ee Itoobiya ay la saxiixatay Somaliland horaantii sannadkan.

Wasiirka arrimaha Dibadda Turkiga Fidan oo ka hadlay xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa sheegay in la qorsheynayo in toddobaadka soo socda la isugu yimaado wareeg labaad oo wadahadal ah si xal looga gaaro khilaafka soo jiitamayay ku dhawaad siddeed bilood.

Fidan ayaa intaas ku daray inuu usoo bandhigay labada dhinac qorshe lagu soo afjarayo xiisadda labada dal kaas oo ah in Itoobiya ay hesho marin badeed iyada oo loo marayo Soomaaliya, halka Itoobiya ay beddelkeed si aan shaki lahayn u qaddarin doonto midnimada iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya.

Qorshahan ayaa u muuqda mid la jaan qaadaya sida ay Soomaaliya ku doodeysay tan iyo markii uu dhacay heshiiska is-afgradka ah ee Itoobiya iyo Somaliland kaas oo aan lagala tashanin madaxda dowladda federaalka.

Turkiga ayaa bishii July marti geliyay wadahadal u dhexeeyay labada dal inkasta oo aysan kasoo bixin wax natiijo ah, waxaana lagu ballamay in la isagu soo laabato kulan kale oo dhaca bisha September.

Kulankaan oo aan la caraabaabin taariikhda uu dhacayo  ayaa imaanaya iyada oo isbuucii hore wasiirka arrimaha Dibadda Turkiga uu booqday Addis Ababa, wuxuuna wadahadal arrintan ku saabsan la yeeshay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, si xal degdeg ah looga gaaro xiisaddda u dhexeysa labada dal.

Guul usoo hoyatay diblomaasiyadda Turkiga ayay noqon doonta haddii labada dal ay kulanka soo socoda wada gaaraan heshiis kama dambays ah, waxeyna kor u qaadi doonta saamaynta uu Turkigu ku leeyahay qaaradda gaar ahaan Geeska Afrika.

Labada dowladood ilaa iyo hadda wax war ah oo ku saabsan arrintan sooma saarin.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here