Thursday, September 19, 2024

Wajiyadi 2017 ayaa mar kale isku arki doona tartanka doorashada Somaliland

Hargeysa (Dawan)- Muuse Biixi ,Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe ayaa mar kale isku arki doono tartanka doorashooyinka Somaliland kadib markii xisbiyadu ay u gudbiyeen musharraxnimadooda Komiishanka doorashooyinka qaran ee Somaliland.

Maalinkii  Khamistii ee 12-ka September 2024 ayaa ku ekeed muddadii loo qabtay in ugu dambeys lagu soo gudbiyo musharrixiinta u tartameysa xilka madaxweynaha.

Seddexda Musharrax ee  ay gudbiyeen xisbiyada Kulmiye, Waddani iyo UCID ee Somaliland ayaa haddii ay ka soo gudbaan shuruudaha musharraxnimo ee doorashooyinka waxay ka dhignaan doontaa in ay is arkaan mar kale musharraxiintaan doorashada  la qorsheeyey in   dhacdo 13-ka November 2024 .

Musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha sanadkan ayaa ah Muuse Biixi Cabdi , madaxweynaha talada haya, oo mar labaad u tartamaya isagoo ka socda xisbiga Kulmiye.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo ka socda xisbiga Waddani, wuxuuna hore u ahaa guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland

Faysal Cali Waraabe oo ah musharraxa xisbiga UCID waa  musharraxa kaliya ee doorasho kasta ka qeybgalay tan iyo doorashadii ugu horreysay ee Somaliland ee 2003.

Madaxweynaha Somaliland waxaa la doortaa muddo 5 sano ah, taas oo lagu saleeyo dastuurka Soomaliland u dagsan.

Somaliland waxay yeelatay xisbiyo siyaasadeed markii ugu horeysay sanadkii 2001, seddexda xisbi ee Kulmiye, Waddani, iyo UCID ayaa ah kuwa rasmiga ah, iyadoo dastuurka Somaliland uu xaddiday tirada xisbiyada .Xisbiga UCID waa kan ugu da’da weyn, halka Waddani uu yahay mid ka yimid garabka mucaaradka Kulmiyana uu yahay xisbul xaakiimka.

Doorashadii madaxtinimada Somaliland ee dhacday 2017 waxaa u tartamay seddexda musharrax ee doorashadaan ay soo gudbisyeen xisbiyada qaran ee Somaliland.

Sidoo kale doorashooyinka madaxtinimada Somaliland waxaa la qabtay saddex jeer tan iyo markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, waxaana loo qabtay si toos ah sanadihii 2003,2010 iyo 2017 .

Xisbiya Kulmiye ayaa ah xisbiga kaliya ee 2 mar ku guuleysatay doorashooyinka kuwaas oo kala ah 2010 iyo 2017 halka 2003 uu ku guuleystay xisbigii UDUB ee burburay.

Ma Kulmiye ayaa seddexeysan doona taas oo ka dhigan in uu soo laabto Muuse Biixi, mise Faysal Cali Waraabe oo ah mushrraxa ugu badan ee xilaakn u tartamay, mise Cabadiraxmaan Cirro iyo  xibigiisa Waddani?

Haddaba yaad is leedahay sanadkaan waa uu ku guuleysanaya doorashada sanadkaan?

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here