Sunday, September 8, 2024

Wakiilada Somaliland oo ansixiyay soo jeedintiii xildhibaanada Awdal

Hargeysa (Dawan)- Golaha Wakiilada Somaliland ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay soo jeedintiii xildhibaanada kasoo jeeda Gobolka Awdal ee ku saabsaneed in dib loo saxo nidaamka saami qaybsiga iyo kordhinta tirada goobaha codbixinta gobolkaas.

Sida guddoonka Wakiiladu sheegay 73 xildhibaan ayaa oggolaatay soo jeedintiii xildhibaanada Gobolka Awdal, mana jirin cid ka aamustay ama diiday.

Soo jeedinta ay Golaha wakiilada Somaliland maanta u codeeyeen ayaa u qorneed sida soo socota:

1- in la billaabo loona diyaar garoobo dib u eegis Dastuur

2- Guddiga Doorashooyinku waa inuu dib u eegis ku sameeyaa tirada goobaha cod bixineed ee gobolka Awdal loona kordhiya si la mid ah gobollada kale.

3- Madaxweynaha Somaliland waa inuu dib u eega saamiga ay reer Awdal ku leeyihiin xukuumadda iyo Garsoorka

4- In xukuumada Somaliland si caddalad ah u qeybiso mashaariicda miisaaniyadda ku jira iyo mashaariicda horumarineed ee dunidu ku caawiso Somaliland, iyada oo tixgelin gaar ah la siinayo kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka Awdal.

Golaha Wakiillada Somaliland ayaa sidoo kale meel mariyay xeerka isa-saarka Doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Ururradda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here