Saturday, September 7, 2024

Wakiilka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta oo howl billaabay

Qaahira (Dawan)- Wakiilka joogtadda ah ee Soomaaliya u qaabilsan Ururka Jaamacadda Carabta, ahna Safiirka Soomaaliya ee Masar, Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa billaabay howlihiisa shaqo kadib markii laga gudoomay warqadaha aqoonsiga.

Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa xarunta Jaamacadda Carabta kulan soo dhaweyn ah kula qaatay Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Aboul Gheit .

Labada dhinac ayaa kawada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo sidii loosii xoojin karo wadashaqaynta ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta.

Danjiraha ayaa ka mahadceliyay kaalinta wax ku oolka ah ee ay Jaamacadda Carabtu ka qaadato had iyo jeer dowlad dhiska Soomaaliya, isaga oo ballan qaaday inay ka go’an tahay soo celinta kaalintii muuqatay ay Soomaaliya ku lahayd Ururka Jaamacadda Carabta.

Ururka Jaamacadda Carabta waa urur goboleed ay ku midaysanyihiin 22 dal oo ku kala abtirsada qaaradaha  Aasiya iyo Afrika, waxaana dhidibada loo taagay 22-kii March 1945.

Ururka waxaa loo aas-aasay sidii dowladaha ku mideysan  ay isaga kaashan lahaaayeen dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo dhaqanka.

Soomaaliya waxa ay ururka ku biirtay 14-kii February sannadkii 1974, iyada oo Comoros ay ahayd dowalddii ugu dambeysay  ee kusoo biirtay ururka sannadku markuu ahaa 1993.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here