Monday, September 16, 2024

Walaaca laga qabo cudurka Mpox oo sii xoogeysanaya

Muqdisho (Dawan)- Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa uga digtay bulshada cudurka cusub ee Monkeypox (Mpox) kaas ku faafay qaar ka mid ah dalalka Afrika, lagana muujiyay walaac xoogan.

“Muwaadin Xanuunka Monkeypox (Mpox) waa cudur fayras ah oo laga qaado xoolaha inta badan waxa uu ka dhacaa Bartamaha iyo Galbeedka Afrika, hadase waxa uu u muuqdaa mid qatarihiisu sii badanayaan” ayaa lagu yiri, digniinta kasoo baxay Wasaaradda.

Wasaaradda ayaa ugu baaqday dadwaynaha inay xiriir lasoo sameeyaan haddii ay dareemaan astaamaha lagu garto cudurkan oo ay ka midyihiin finan kasoo baxa maqaarka, qandho, xanuunada madaxa, murqaha, dhabarka iyo tabaryari.

Hay’adda caafimaadka ee Midowga Afrika ayaa walaac ka muujisay cudurkan cusub ee ka dillaacay qaaradda Afrika, waxayna ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo caafimaad iyo in xukuumaduhu qaadaan tillaabo dheeraad oo dhanka caafimaadka la xiriira

Cudurka Mpox ayaa ka biillowday dalka Congo, waxa uuna ku faafay dalalka deriska la ah, oo ay ku jiraan Burundi, Kenya, Rwanda, iyo Uganda, kuwaas oo u baahday in hay’adda caafimaadka adduunka ay qaado iallaabo si wax looga qabto.

Agaasimaha Guud ee WHO Tedros Ghebreyesus ayaa sheegay in loo baahanyahay falcelin degdeg ah iyo wadashaqayn si loo joojiyo faafitaanka cudurkan loona badbaadiyo nolosha dadka.

Xarumaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Afrika ayaa sheegay in ay jiraan in ka badan 17,000 oo kiis , halka tirada dhimashado ay kor u dhaaftay 517. Wadar dhan 13 waddan ayaa laga soo sheegay kiisaska cudurka Mpox.

Mpox ayaa sidaan oo kale u dillaacay sanandkii 2022, waxeyna qaadatay toban bilood in la xakameeyo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here