Friday, October 4, 2024

Walaaca mucaaradka ee go’aanada kasoo bixi kara Golaha Wadatashiga Qaran

Muqdisho (Dawan)-  Laba diginin iyo seddex baaq, ayuu xisbiga Himilo Qaran ee uu  hoggaamiyo madaxweynihii kumeelgaarka, Shariif Sheekh Axmed ku muujyay walaaca uu ka qabo in muddo kororsi loo sameeyo muddo xileedka hoggaanka maamul goboleedyada iyo Federaalka.

Xisbiga oo yeeshay kulan barbar socday shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ka digay in lasoo saaro go’aano siyaasadeed oo uga sii dari kara xaaladda dalka isla markaana abuuri kara khilaafaad siyaasadeed oo hor leh.

Digniinta labaad ee Xisbiga ayaa ah in laga fogaado muddo kordhin loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada dalka, si loogu hogaansamo  siyaasadda  madaxweyne Xasan Sheekh.

Xisbigu waxaa uu madaxweynaha ku eedeeyay inuu faragelin ku hayo dowlad goboleedyada, waxaana loogu baaqay inuu joojiyo tillabooyiinka  nuucaas ah ee aan waafaqsanayn dasturka.

Xisbiga ayaa sdioo kale ugu baaqay  madaxda ku shirsan madaxtooyada Qaranka in ay ilaaliyaan wada jirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Baaqa seddexaad ayaa si toos ah ugu socday Madaxweynaha, iyada oo loosoo jeediyay  in uu wax ka qabto colaadaha ka jira  meelo badan oo dalka ka mid ah.

Ra’iisulwasaare Xasan Cali Khayre iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qaba walaac la mid ah kan Himilo Qaran , waxayna ku caddeeyeen qoraalo ay si kali kali ah ugu daabaceen barahooda bulshada.

Waxay direen Farriin ah,  inaysan  aqbali doonin muddo kororsi loo sameeyo hay’adaha dastuuriga ah.

Khayre waxa uu tilmaamay in wadda  kaliya ee furan inay tahay  in laga fogaado muddo-kororsi , degdegna loo qabto doorashooyinka Dowlad-Goboleedyada oo waqtigoodu dhammaaday, lagana wada heshiiyo doorashooyinka Federaalka, si doorasho wadar-oggol ah oo loo dhan yahay ay dalka uga dhacdo May 15, 2026.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu aamisanyahay in sharciyad la’aanta madaxda dawlad goboleedyada ay  wiiqi karto  awooddooda, taas oo fursad u ah  Madaxweynaha iyo meelmarinta siyaaddiisa doorashada federaalka ee 2026.

Dhanka kale, waxa uu qabaa in Puntland oo maqan aan dalka laga hirgeli karin doorasho.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here