Friday, October 18, 2024

War-murtiyeedka  wadajir ah ee Soomaaliya, Masar iyo Eritrea

Asmara (Dawan)- War-murtiyeedka  wadajir ah ee  laga soo saaray shirkii saddex geesoodka ahaa ee Masar iyo Ereteriya iyo Soomaaliya

  1. Iyada oo laga duulayo martiqaadka uu Madaxweyne Isaias Afwerki, u fidiyay  Madaxweyne Cabdifataax Al-siiis , Madaxweynaha  Masar, iyo Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Saddexda Madaxweyne ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 10-ka Oktoobar 2024 ku kulmay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Ereteriya, halkaas oo madaxweynayaasha ay ku yeesheen shir saddex geesood ah, wadatashiyo ballaaran oo ku saabsan arrimaha muhiimka ah ee gobolka iyo caalamka.
  2. Saddexda madaxweyne  waxay adkeeyeen sida ay lagama maarmaanka u tahay in loo hoggaansamo mabaadi’da aasaasiga ah iyo tiirarka sharciga caalamiga ah maadaama ay yihiin aasaaska lagama maarmaanka u ah xasilloonida iyo iskaashiga gobolka, gaar ahaan in la  ixtiraamo  madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee waddamada gobolka, in laga hortago marmarsiiyo kasta oo keeni karta faragelinta arrimaha gudaha ee dalalka gobolka, iyo isku dubaridka dadaallada wadajirka ah ee lagu gaarayo xasilloonida gobolka iyo abuurista jawi wanaagsan oo horumar waara xanbaarsan.
  3. Madaxweynayaashu waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen  horumarinta,  xoojinta iskaashiga iyo isku xirka saddexda dal si kor loogu qaado tayada hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya si ay uga hortagaan caqabadaha kala duwan ee gudaha iyo dibadda, iyo in ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ay awood u yeeshaan inay ka hortagaan argagaxisada nooc kasta oo ay tahay iyo ilaalinta xuduudaha berriga, badda, iyo midnimada dhuleed
  4. Iyada oo arrintan laga amba qaadayo, shir-madaxeedku waxaa si qoto dheer loogu  gorfeeyay,  is-afgaradna looga  gaaray arrimaha  soo socda:
  • Qalalaasaha ka taagan Suudaan iyo saamaynta gobolka.
  • Xaaladda Soomaaliya marka la eego is-bedellada gobolka ee u dambeeyay.
  • Arrimaha amniga iyo iskaashiga u dhexeeya dowladaha xeebaha ah ee Badda Cas iyo marin biyoodka Bab al-Mandab iyada oo la eegayo muhiimada wayn ee marin badeedka
  • Hababka isuduwidda diblomaasiyadeed iyo dadaallada wadajirka ah ee ka dhexeeya saddexda waddan.

    5. Soo dhawaynta dadaalka ay wadaan dowladda Ereteriya iyo Jamhuuriyadda Masar ee ku aaddan taageerada xasilloonida Soomaaliya iyo kor u qaadida awoodda hay’adaheeda.  Waxaa Masar lagu bogaadiayay ballanqaadkeeda ciidamada ay uga qayb qaadanayso dadaallada nabad ilaalinta Soomaaliya.

    6. Waxaa lagu heshiiyay in la dhiso guddi saddex geesood ah,  isku dhaf ah oo ka kooban wasiirrada arrimaha dibadda ee Eritrea, Masar, iyo Soomaaliya kaas  oo ka shaqeeya iskaashiga istiraatijiyadeed ee dhinac walba ah.







Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here