Tuesday, October 22, 2024

War-saxaafadeedka laga soo saaray booqashda M/W Xasan ee Jabuuti

Jabuuti (Dawan)- Madaxweyne Xasan Sheekh oo maalmahaan booqasho ku marayay dalalka Soomaaliya ugu deeqay ciidamada nabad ilaalinta ayaa xalay gaaray dalka Jabuuti.

Kulan uu la qaatay maanta dhiggiisa dalkaas, madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle, waxaa laga soo saaray war-saxaafadeed ka kooban toban qodob, sida aan kasoo xiganay dhanka Jabuuti.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sida soo socota;

War-saxaafadeed ku saabsan booqashada shaqo ee Madaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ee ku joogo Jabuuti, 21-October-2024.

  1. Kadib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud booqasho shaqo ku tegay Jabuuti 21 October-2024.
  1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoggaaminaya wafdi heer sare ah oo ka kooban wasiirro iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
  2. Labada Madaxweyne waxay yeesheen shir laba geesood ah oo ay ku xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay kawada shaqaynta nabadda iyo amniga Soomaaliya iyo gobolka.
  3. Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diiran ugu hambalyeeyay dhiggiisa dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle dadaalka hagar la’aanta ah ee uu ugu jiro horumarinta nabadda iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya, iyo sidoo kale doorka muuqda ee uu ka qaatay soo celinta nabadda, amniga iyo xasiloonida Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyay doorka Ciidamada Difaaca Qaranka Jabuuti, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,iyo Ciidamada Midowga Afrika ee ka qeyb qaadanaya dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.
  4. Labada Madaxweyne ayaa isweydaarsaday aragtiyo ku saabsan xaaladda amni ee Soomaaliya iyo tan gobolka, waxayna hoosta ka xariiqeen in loo baahan yahay in la ixtiraamo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana la ilaaliyo nabadda, amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo guud ahaan Qaaradda Afrika.

    6- Madaxdu waxay bogaadiyeen dhisidda howlgalka cusub ee taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) waxayna qireen guulihii uu soo hooyay howlgalkii ka horreeyay ee ATMIS. Waxa ay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen in howlgalku uu bilaabanayo 1-da Janaayo 2025, ayna muhiim tahay in la sahmiyo dhammaan fursadaha maalgelinta, ee lagu xusay qaraarka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2719. Madaxdu waxay carrabka ku adkeeyeen inay lagama maarmaan tahay in AUSSOM ay hesho dhaqaale la isku halleyn karo karo oo waara.

    7. Madaxdu waxay sidoo kale xuseen muhiimadda ay leedahay sidii taageero ku filan loo siin lahaa qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya iyo xoojinta Awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed . Labada madaxweyne waxay ugu baaqeen beesha caalamka inay taageeraan dhisidda awoodahaas si loo xaqiijiyo hannaanka kala-guurka ee dhammaadka howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee Soomaaliya.

    8. Madaxdu waxay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in si habsami leh looga gudbo ATMIS loona gudbo AUSSOM.

    9. Si loo xoojiyo, loona adkeeyo iskaashiga dhow ee ka dhexeeya labada dal, labada Madaxweyne waxay ku nuuxnuuxsadeen in degdeg loo qabto kulanka Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga waqtiga ugu macquulsan, iyada oo lagu wargeliyay wasiirada arrimaha dibadda inay abaabulaan kulankaas. Dib ayaa laga soo sheegi doona goobta iyo xilliga la qabanayo.

    10. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u xaqiijiyay in Jabuuti ay mar walba garab taagan tahay walaalnimada iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here