Friday, October 18, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Israel

Mudaaharaadyo ballaaran ayaa ka socda magaalooyinka Isarel, kuwaas oo lagu dalbanayo n ay iscisho xukuumadda uu hoggaamiyo Benjamin Netanyahu, sidoo kalena ay aqbashao heshiiska isdhaafsiga maxaabiista.

Tobonaan kun oo qof ayaa isagu soo baxay magaalooyiinka waaweyn oo ay ku jiraan Tel Aviv iyo galbeedka Jerusalem.

Israel -Lubnaan

Waxaa sii socda weerarrada ka socda xudduudda ay wadaagaan Israel iyo Lubnaan oo ay isweydaarsanayaan kooxda Xisbullaah iyo ciidamada Israel tan iyo bishoo October.

Isku dhacan ayaa lagu tilmaamay kii ugu dhimashada badnaa ee labada dhinac dhex mara tan iyo dagaalkii 2006-dii.

Badda-Cas

Xiisadda Badda Cas ayaa sii kordheysa xilli ay Xuutiyiintu weerarro ku qaadeen maraakiib ganacsi oo lala xiriirinayo Israel, halka dowladda Mareykanku ay gudaha Yeman ka fulisay duqeymo cirka ah oo lagu bartilmaameedsanayo xarumaha Xuutiyiinta.

Arrintan ayaa keentay cabsi badan oo laga qabo in hakad ku yimaado isu socodka dhanka badda cas oo ka mid ah marinada ugu mashquulka badan ee ay maaan maraakiibta shidaalka.

Qadar

Amiirka Qadar Tamiim bin Xamad ayaa socdaal ku maraya dalal badan oo Aasiya ku yaal, kadib markii uu casuumaad ka helay madaxdooda.

Booqashada Amiirka waxay ka bilaabatay Filipin, waxaana  ku xigi doonta dowladda Bangladesh iyada oo la qorsheynayo inuu kusoo gabagabeeyo dalka Nepal.

Amiir Tamiim ayaa wada hadalo la yeelanaya madaxda sare ee dalalkan, isagoo diiradda saaraya sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga iyo saxiixa heshiisyo oo dhinacyo kala duwan leh.

Turkiga- Mauritania

Wasiirka arrimaha dibadda Hakan Fidan ayaa la kulmi doona dhiggiisa dalka Mauritania Mohamed Salem Ould Merzoug si ay ay uga wada hadlaan xiriirka labada dal iyo arrimaha gobolka ee hadda taagan.

Kulanka kadib ayaa la filayaa in ay si wadajir ah shir jaraa’id u qabtaan labada wasiir.

Pakistan

Doorashoooyinka 21 kursi oo golaha qaranka iyo kuwa gobolka ayaa maanta oo Axada loo dareeray dalka Pakistan

Loolan  adag ayaa la filayaa inuu dhexmaro musharaxiinta xisbiga ra’isul wasaarahii hore ee Imaran Khan ee xabsiga la dhigay iyo isbaheysiga talada haya.

Dhanka kale, Ku dhawaad ​​100 qof ayaa ku dhimatay 89 kalena waa ay ku dhaawacmeen roobab iyo daadad toddobaadyadii  u dambeeyay ka dhacay gobollada waqooyi-galbeed iyo koonfur-galbeed ee Pakistan iyadoo walina la filayo in roobab mahiigaan ah ka da’aan qaar kamid ah gobolada dalkaas.

China

Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha ayaa booqasho rasmi ah ku tagaya dalka Cambodia isaga oo la kulmi doonaa hoggaamiyaha  dalkaas.

Wasiirka ayaa ka qeyb gelaya shirka toddobaad ee guddiga isku xirka dowladaha Shiinaha iyo Cambodia.

Indonesia

Volcano ayaa ka qarxday Waqooyiga Sulawesi iyadoo la xiray garoonka caalamiga ah ee Sam Ratulangi ee magaalada Manado ilaa maanta.

Dhowr duulimaad ayaa la joojiyay halka boqolaal qof laga daadgureeyay gobolka ay dhibaatadu saameysay.

Ciyaaraha

Wararka ciyaaraha waxa a ugu wayn kulnak El Clasico ,Real Madrid ayaa wajihi doonta Barcelona kulanka 32 ee horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Kooxda hogaanka haysa ee Real Madrid ayaa leh 78 dhibcood 31 kulan oo ay ciyaartay halka Barcelona oo ku jirta kaalinta 2-aad ay leedahay 70 dhibcood.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here