Monday, September 16, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa daahfurtay shirka wadatashiga qiimaynta qaab dhismeedka sharci iyo kaabayaasha aqoonsiga dhijitaalka ah ee dalka.

Garoowe

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta ku fuliyay dil toogsho toban xubnood oo ka tirsan ururka Al-shabaab

Tillaabadan ayaa imaaneysa iyada oo maalmo ka hor ay xabsi ka mid xabsiyada Puntland ka baxsadeen xubno ka tirsan Al-shabaab inkasta oo mid ka mid ah dib loogu soo dhigay gacanta.

Itoobiya

Saddexda xisbi ee mucaaradka ah ee ugu waaweyn gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa ku baaqay in gobolka loo dhiso dowlad goboleed loo wada dhan yahay.

Baaqa xisbiyada ayaa kusoo beegmaya xilli Jabhadda xoreynta Tigray ay qabanayso shirweyniheedi 14-aad si wax looga qabto colaadaha gobolka iyo loollanka ka dhax jira gudaha Jabhadda.

Dhanka kale, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa sheegay inaysan jirin sabab keeni karta in si degdeg ah looga soo saaro dalka Lubnaan muwaadiniita Itoobiya.

Afhayeenka ayaa kula taliyay in ka badan 150,000 oo Itoobiyaan ah oo ku sugan Lubnaan inay muujiyaan taxadar dheeraad una diyaar garoobaan wax kasta oo suurtagal ah maadaama xiisadda ka taagan gobolka laga muujiyay walaac badan.

Uganda

Taliyaha ciidamada difaaca dalka Uganda Gen Muhoozi Kainerugaba ayaa ka dalbaday dowlada Mareykanka in magdhow laga siiyo ciidamadii uga dhintay gudaha Soomaaliya.

Maxamed El-Amine Souef, oo ah wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ayaa dhawaan u sheegay idaacadda VOA-da in ku dhawaad ​​4,000 oo askar ah ay soo gaartay dhimasho iyo dhaaac, waxaana ugu badan kuwa ka socday Burundi iyo Uganda

Uganda ayaa ahayd dalkii ugu horreeyay ee ka socda Bariga Afrika oo ciidamo ka tirsan AMISOM usoo dirtay Soomaaliya bishii March ee sannadkii 2007-dii.

Suudaan

Suudaan ayaa dib u furtay xuduudka Adre ee ay la wadaagto dalka Chad, si gargaar bini’aadantinimo loo gaarsiiyo dadka ay colaaduhu saameeyeen ee ku sugan halkaas, waxaana soo dhaweeyay hay’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay.

Malaayin qof oo ku sugan gobolka Darfur ayaa ka faa’iideysan doona go’aanka dowlddda si loo gaarsiiyo cunto, dawo iyo waxyaabaha kale ee muhiimka u ah nolosha dadka lagu qasbay inay ka barakacaan guryahoodi.

Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa sheegtay in 25.6 milyan oo Suudaani ah ay soo food saartay gaajo aad u daran, iyadoo gobollada qaar ay ka jiraan xaalado lagu tilmaami karo masiibo.

Ruush/ Ukraine

Dagaalka u dhaxeeya ciidamada Ruushka iyo kuwa Ukraine ayaa weli ka socda gobolka Kursk, kadib weerarkii ay Kyiv ku qaaday gobolkaas todobaadki hore.

Ukraine waxey sheegtay inay qabsatay in ka badan 80 deegaan kuwaas oo hoostaga magaalada Sudzha.

Dowladda Ruushka ayaa dhankeeda sheegtay in 12 qof lagu dilay, 121 kalena lagu dhaawacay gobolka, waxaana ka mid ah 10 carruur ah, tan iyo markii uu bilowday weeraka Kyiv.

Indonesia

Madaxweynaha Indonesia Joko Widodo ayaa maanta oo Sabti ah daah furay magaalo madaxda cusub ee Nusantara iyadoo dalka Koonfur-bari Aasiya uu xusayo maalinta madax-bannaanida.

Hindiya

Hindiya waxay martigelinaysaa shir madaxeedka seddexaad ee Voice of Global South. Shirka ayaa la qorsheynaya in lagu dhaqangeliyo go’aamadii lagu qaatay shirarkii ka horeeryay si wx looga qabto caqabado badan oo weli saameeyn xoogan ku leh dunida, sida colaadaha, dhibaatooyinka amniga cuntada, tamarta iyo isbeddelka cimilada.

Nigeria

Mas’uuliyiinta dalka Nigeria ayaa la filayaa in ay faah faahin dheeri ah ka bixiyaan afduub loo gaystay 20 arday kuwaas oo koox hubeysan ay ka afduubatay gobolka Benue ee bartamaha dalka Nigeria.

Yemen

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 98 qof ay ku dhinteen iyada oo 600 oo qofna ay ku dhaawacmeen daadad ku dhuftay dalka Yemen tan iyo bilowgii sanadkan.

Falastiin

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 316-aad, waxaana ku dhintay in ka badan 40 kun oo qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 92,401 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 633 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,400 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad gaaraya 9, 970 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here