Friday, September 20, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Qaar ka mid ah ganacasiyada gobolka Banaadir ayaa maanta xiran, iyada oo ganacsatadu ay cabasho ka yihiin canshuurta iibka ee ay dowladdu soo rogtay.

Xukuumadda ayaa ku adkeysanaysa inay waajib tahay in al bixiyo canshuurta halka ganacsatadu ay walaac ka muujiyeen nidaamka loo marayo habqaadista canshuurta iibka oo 5%

Agaasinka guud ee Waxbarashada Dowladda Hoose ee Xamar ayaa maanta shaaciyay Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir kaas oo ay sanadkaan u fariisteen 34,792 arday oo isugu jira Gabdho iyo Wiilal.

Waxaa gudubtay oo natiija wanaagsan keenay 32,689 arday oo kamid ah ardaydii u fariisatay imtixaanka, halka ay hareen ama natiijadii la rabay aysan la imaan 2,103 arday.

Safiirka cusub ee Shiinaha u fadhin doona Muqdisho, Wang Yu ayaa maanta u gudbiyay nuqul ka mid ah warqadihiisa aqoonsiga Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi.

Kenya

Musharaxa Kenya ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Raila Odinga ayaa billabay safarka ololihiisa doorashada isaga oo booqasho ku tegay dalka Congo ee dhaca bartamaha Africa.

Raila ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Congo Denis Sassou Nguesso, waxeyna kawada hadleen sidii Congo u taageeri leheed murashaxnimada uu ku doonayo inuu hanto xilka ugu sarreeya Midowga Africa

Raila ayaa la tartami doona Maxamuud Cali Yuusuf (Jabuuti), Anil Gayan ( Mauritius) iyo Richard James ( Madagascar)

Suudaan

Hay’adda Socdaalka Adduunka ayaa sheegtay in in ka badan 117,000 oo Suudaan ah ay ka barakaceen deegaannadooda kadib roobabkii ka da’ay dalkaas tan iyo bishii June ee la soo dhaafay kuwaas oo sababay daadad xoog badan oo ay ku dhinteen 76 qof.

Wasaaradda caafimaadka ee Suudaan ayaa ku dhawaaqday in cudurka daacuunka uu ka dillaacay dalkaas iyadoo ay sii xumaanayso xaaladda ay ku suganyihiin barakacayaasha.

In ka badan 32,611 dhismo ayaa qeyb ahaan ama gabi ahaanba ku burburay roobabkii dabeylaha watay ee dalkaas ka da’ay.

Ruushka / Azerbaijan

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa booqasho ku tagaya dalka Azerbaijan. Inta uu ku guda jiro booqashadiisa waxa uu dhiggiisa Azerbaijan kala hadli doona arrimaha ku saabsan horumarinta iskaashiga istiraatiijiyadeed ee Ruushka iyo Azerbaijan iyo sidoo kale arrimaha caalamiga ah iyo kuwa gobolka.


Ruushka / Mongolia

Ruushka iyo Mongolia ayaa qaban doona dhoolatus milateri oo loo yaqaan “Selenga” kaas oo loogu talagalay xuska sannad-guuradii 85-aad ee kasoo wareegtay guushii ay ka gaareen dagaalkii Japan ay kula galeen wabiga Khalkhin Gol ee u dhow magaalada Dorndod.

Vietnam / Shiinaha

Hogaamiyaha ugu sareeya Vietnam To Lam ayaa la filayaa inuu booqasho qaadanaysa saddex maalin ku tago Shiinaha maanta oo Axad ah.

Waa safarkiisii ​​ugu horeeyay ee dibadda tan iyo markii loo magacaabay xoghayaha guud ee xisbiga shuuciga ee talada haya horaantii bishaan August.

Afgaanistaan ​​

Maamulka Daaliban ee xukuma dalka Afghanistan ​​ayaa ku dhawaaqay in maanta oo Axad kuna beegan 18 bisha August ay tahay maalin fasax oo lagu xusayo maalinta xoriyadda ee dalkaas.

Wasaaradda shaqada ayaa sheegtay in maalintan la xusi doono sanad guuradii 105-aad ee kasoo wareegtay markii ay Afghanistan ​​xornimada ka qaadatay gumeystihii Ingiriiska, waxaana loo aqoonsan doonaa maalin fasax ah.

Falastiin

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 317-aad, waxaana ku dhintay in ka badan 40 kun iyo 70 qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 92,537 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 635 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,400 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad gaaraya 9, 970 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here