Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Kenya

Maxkamadda magaalada Nairobi ayaa damaanad lacageed oo dhan 200,000 oo lacagta Kenya ah kusii daysay 5 sarkaal oo ka tirsan Boliiska kuwaas oo lagu eedeeyay inay fududeeyeen tillaabadii ay xabsiga Gigiri uga baxsadeen 13 maxbuus

Maxaabiista baxsatay waxaa ka mid ahaa Collins Jumaisi oo lagu eedeeyay inuu dilay 42 haween ah labadi sano ee lasoo dhaafay kuwaas oo qaar ka mid ah meydadkooda laga helay goobta qashin qubka xaafadda Kware ee Nairobi.

Uganda

Uganda ayaa sheegtay in ciidamadeeda kumaandooska oo ay taageerayaan ciidamada Koonfurta Suudaan iyo Afrikada Dhexe inay burburiyeen saldhigyo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan jabhadda the Lord’s Resistance Army ee uu hoggaamiyo Joseph Kony.

Howlgalka wadajirka ah ayaa lala beegsaday seddex saldhig oo ku yaal bariga gobolka Sam Uandja oo ku dhow xadka Suudaan.

Kony waxaa doondooneysay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada tan iyo 2005-tii kadib marki lagu eedeeyay in uu galay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha.

Congo

Tirada dadka ku dhintay doon ku qallibantay galbeedka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa gaartay 29 qof. Ugu yaraan 128 kale ayaa lasoo badbaadiyay, iyada oo ay jiraan dad kale oo weli la baadigoobayo.

Doon ay saarnaayeen dad lagu qiyaasay 250 ilaa 300 ayaa ku rogmatay webi ku yaal deegaanka Kutu ee galbeedka dalka Congo, waxaana socda dadaallada lagu baadigoobayo dad badan oo lagu la’yahay nolol iyo geeri.

Suudaan

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa shalay oo Arbaco ahayd ku dhawaaqday in dawo caadimaad oo ka badan 175 tan in la gaarsiiyay gobolka Darfur ee galbeedka Suudaan ka dib markii la furay xadka Adre ee ay wadaagaan dalkaas iyo Chad.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda, Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa sheegay in 5 baabuur oo ay leedahay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ay daabuleen dawooyin loogu talagalay dadka ku waxyeelloobay dagaalka Daarfuur, xilli lasoo warinayo in cudurka daacuunku uu ka dillaacay Suudaan.

Tedros waxa uu sheegay in xadka Adre uu yahay dariiqa ugu fudud ee kaalmo lagu gaarsiin karo malaayiin qof oo halis ugu jira macluul kuwaas oo ku sugan galbeedka Suudaan.

Iran

Baarlamaanka Iran ayaa kalsoonida siiyay dhammaan wasiiradii xukuumadda ee uu soo magacaabay madaxweyne Mascuud Pezeshkian oo ka kooban 19 wasiir.

Madaxweynaha Iran ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay xoogga saari doonto midnimada dadka iyo inay damaanaad qaaddo xuquuqda dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada, iyada oo aan loo kala saarin mucaarad iyo muxaafid.

China

Raiisel wasaaraha Shiinaha Li Qiang ayaa bilaabay booqasho uu ku tegayo Belarus oo qaadanaysa laba maalmood. Waxaa lagu wadaa inuu la kulmo madaxweyne Alexander Lukashenko si ay uga wadahadlaab horumarinta iskaashiga laba geesoodka ah.

Mareykanka

Tim Walz, ayaa ku dhawaaqay inuu aqbalay jagada loo magacaabay ee ah inuu noqdo ku xigeenka murashaxa madaxweyne ee xisbiga Dimuqraadiga ee dalka Mareykanka.

Walz ayaa ballan qaaday inuu ka shaqayn doono sidii looga hortegi lahaa qorshaha murashaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump isaga oo ku tilmaamay mid halis ku ah dadka iyo dalka Mareykanka.

Sida kaliya ee lagu badbaadin karo dalka Mareykanka ayuu ku sheegay inay tahay in Harris loo doorto madaxweynaha xiga ee Mareykanka.

Falastiin

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 321-ad, waxaana ku dhintay in ka badan 40 kun iyo 223 qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 92,981 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 635 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,400 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad gaaraya 9, 970 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Dhanka Isarel, tirada ciidamada dhimatay waxay gaartay 693 tan iyo bilowgii dagaalka bishii October ee sanadkii tegay. 330 waxaa lagu dilay dagaalka dhulka ah ee marinka Gaza.

Dhaawaca ciidamada ayaa lagu sheegay 4,349, sida laga soo xigtay warbixin kasoo baxday Israel.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here