Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Kadib xukun dil ah oo ay isku raaceen Maxkamadaha Gobalka Banaadir iyo Racfaanka, waxaa maanta Maxkamadda Sare kasoo muuqday Sayid Cali Cali Macallin Daa’uud oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay dilka xaaskiisa.

Kismaayo

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa shaacisay natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee sanad dugsiyeedka 2023-2024.

Imtixaanka waxaa sannadkan u fadhiistay 4349 arday kuwaas oo ka socday 11 degmo oo ka kala tirsan gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo.

Wajeer

Ciidamada Kenya oo lagu eedeyay inay afduub iyo dil ka gaysteen Ismaamulka Wajeer ee gobolka Waqooyi-bari Kenya.

Seddex qof ayaa la afduubtay, qof kalena waa la dilay maalmihii lasoo dhaafay sida uu sheegay Xildhibaanka Waqooyiga Wajeer, Ibraahim Cabdi Saney oo la hadlay warbaahinta

Jabuuti

Dowladda Jabuuti ayaa gurmad u sameysay markab laga leeyahay dalka Giriigga kaas oo ay kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ku bartilmaameedsadeen maalintii Khamiista badda Cas.

Markabkan oo lagu magacaabo MV SOUNION ayaa siday shidaal lagu qiyaasay 150,000 tan, waxaana walaac badan laga muujiyay dhibaatada dhanka deegaanka ah ee ka dhalan karta haddii uu quuso, sida horay u dhacday

Jabuuti ayaa ku guuleysatay inay soo badbaadiso shaqaalihii saarnaa markabka kuwaas oo tiradooda lagu sheegay 29 qof oo kasoo kala jeeda dalalka Ruushka, Filibiin, Hindiya, iyo Nepal.

Turkiga/ Soomaaliya

Hay’adda TIKA ayaa sheegtay inay adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah ka fulisay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyada oo sidoo kale ababar u samaysay xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka iyo ardayda caafimaadka muddo 10 maalmood ah.

Kooxaha caafimaadka ayaa baaris ku sameeyay 267 bukaan, waxayna sameeyeen 87 qalliin oo lagu guuleystay iyagoo daweynayay burooyinka, iyo xaalado kale oo halis ah oo aan Soomaaliya wax looga qaban karin, waxayna bukaannada ka caawinayaan inay dib u helaan caafimaadkooda.

Eritrea

Wasiirkii hore ee maaliyadda Eritrea, Berhane Abrehe  oo markii dambe isku bedelay mucaarad aad u dhaliila madaxweynaha dalkaas ayaa ku dhintay xabsiga, sida laga soo xigtay qoyskiisa.

Qoyskiisa ayaa sheegay inaan la tusin maydkiisa sidoo kalena aan loo sheegin xilliga uu dhintay, balse waxaa lagu wadaa in lagu duugo qabuuraha Asmara oo u gaar ah halgamayaashii ka soo qayb qaatay dagaalkii xornimada Eretria.

Sannadkii 2012, waxaa Berhane laga qaaday xilka, kadibna waxaa laga fogeeyay siyaasadda.

Qaramada Midoobay iyo hay’adaha xuquuqda aandaha ayaa in muddo ahba xukuumadda Eritrea ku eedeeynayay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul insaanka oo ay ka mid yihiin jirdil iyo in xabsiga loo taxaabay tobanaan kun oo qof kuwaas oo ku jira xaalad adag.

Mandheera

Ismaamulada Mandera iyo Wajeer ayaa laga hirgelin doona barnaamij waxbarasho oo ay ku baxayso 4.4 milyan oo ginni, muddo seddex sano ah.

Barnaamijkan oo lagu magacaabo INSPIRED waxaa maalgelin doona hay’adda FCDO , Hay’adda Horumarinta Waxbarashada (EDT), Aga Khan Foundation, Sightsavers, WPDA, iyo VOPA.

Barnaamijka INSPIRED ayaa loogu talagalay in lagu hormariyo waxbarashada aasaasiga ah ee in ka badan 200,000 oo carruur ah iyo 100,000 oo ah carruurta la takooro iyo kuwa nugul ee labada ismaamul.

Sidoo kale, barnaamijkan ayaa lagu tababari doonaa 289 macallimiin dhanka ciyaraha kala duwan, kuwaas oo ka howlgeli doona xarumo ka tirsan Mandera iyo Wajeer

Itoobiya

Hay’adda WFP waxay haglan ugu jirtaa sidii cunto loo gaarsiin lahaa malaayiin qof kuwaas oo ku nool gobollada Itoobiya ee ay ka jiraan colaadaha, sicir bararka iyo dhaqaala xumada ba’an.

Hay’addu waxay ka digtay in dhibaatada cunnada ee daalkaas ka jirta ay ka sii dari karto haddii aan la helin taageero degdeg ah inta aan la gaarin bisha Sebtembar .

Dad lagu qiyaasy 15.8 milyan oo qof ayaa u baahan gargaar cunto oo degdeg ah, taasoo ay ugu wacan tahay abaarta iyo amni-darrada ka jirta gobollada Amxaarada iyo Oromia.

Thailand

10 qof ayaa ku dhintay dhul go’ ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay gobolka Phuket ee dalka Thailand.

Xafiiska Gobolka ee Maareynta iyo Maareynta Musiibooyinka ee Thailand ayaa bayaan uu soo saaray maanta ku sheegay in in ka badan 250 guri ay waxyeello ka soo gaartay daadad iyo dhul go’ay magaalooyinka Karon iyo Chalong.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ilaa iyo hadda la helay meydadka 10 qof oo ay ku jiraan 8 ajaanib ah.

Imaaraadka Carabta

Imaaraatka Carabta ayaa ku dhawaaqay in lagu guuleystay dhexdhexaadin cusub oo ay u sameysay dowladaha Ruushka iyo Ukraine taas oo la isku dhaafsaday 230 maxbuus.

Imaaraadka ayaa sidoo kale ballan qaaday inuu sii wadi doono dhammaan dadaallada iyo hindisayaasha lagu doonayo in xal nabadeed looga gaaro colaadda labada dal.

Dowladda Imaaraadka ayaa ku guuleysatay lix jeer inay sameyso dhexdhexaadin ay labada dal isku dhaafsadeen maxaabiis.Sidoo kale Bishii December 2022 waxay fududeysay isdhaafsi maxaabiis oo dhemaray Mareykanka iyo Ruushka.

The Hague

Xeer Ilaaliyaha Dambiyada Caalamiga ah, Karim Khan ayaa maxkamada ka codsaday in ay qaadato go’aan deg deg ah oo ku saabsan codsigiisa ah in la soo saaro waaran lagu soo xirayo Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkiisa Difaaca Yoav Galant.

Khan waxa uu sheegay in Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ay awood u leedahay inay maxkamadeyso mas’uuliyiinta Israel ee gaystay dambiyada ka dhanka ah bini aadanimada.

Israel oo taageero ka heleysa Mareykanka ayaa iska dhegatirtay go’aanadii kasoo baxay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada iyo Golaha Amaankaa ee ahaa inay joojiso xasuuqa ka dhanka ah dadka rayidka iyo inay furto waddooyinka la marsiinayo gargaarka bini aadanimo ee loo wado dadka ku dhibaateysan marinka Gaza.

Falastiin

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 323-ad, waxaana ku dhintay in ka badan 40 kun iyo 265 qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 93,155 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 640 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,400 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad gaaraya 9, 970 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here