Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka baaqday munaasabadda lagu daah furayo ololaha murashaxnimada Raila Odinga ee xilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika oo maanta ka dhaceysa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Cali Balcad ayaa u sheegay Dawan TV in Jadwalka Madaxwaynaha u saamixi waayay in uu ka qaybgalo munaasabadda  ololaha murashaxnimada Raila Odinga

Go’aanka Soomaaliya ayaa ah inay taageerto Maxamuud Cali Yuusuf oo ah murashaxa Jabuuti ee u taagan xilka ugu sareeya ururka Midowga Afrika, iyada oo laga yaabo inay noqoto dalka kaliya ee ka tirsan EAC ee garab istaaga Jabuuti.

Natiijada Imtixaanka Fasalka 12aad

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa maanta shaacisay natiijada Imtixaanka Fasalka 12aad ee Dugsiga Sare.

33,668 arday ayaa ku baasay imtixaanka, iyada oo ku dhaceen arday gaareysa 2,366. Tirada guud ee imtixaanka u fadhiisatay ay ahayd 36,034 arday kuwaas oo ka kala socday 803 Dugsi oo ku kala yaal Banaadir, Hirshabeelle, Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Khaatumo.

Waxaa natiijadooda la baabi’yay 2,905 arday kadib markii lagu helay falal la xiriira qish.

Soomaaliya / Suudaan

31 qof oo Soomaali ah ayaa maanta kasoo dhoofay dalka Suudaan kadib markii safaaradda Soomaaliya ee dalkaas ku guuleysatay inay kasoo deyso xabsi ay ku jireen muddo 5 bilood ah.

Dadkaan oo ku xirnaa magaalada Port Sudan ayaa isagu jira 24 wiil iyo 7 gabdhood, waxaana la xiray xilli ay doonayeen inay tahriib uga baxaan dalka Suudaan si ay u galaan qaaradda Yurub

Jabuuti

Jabuuti ayaa qorsheyneysa inay dhawaan u dirto dalka Afrikada Dhexe ciidan ka qayb qaata howlgalka xasilinta ee hoos taga Qaramada Midoobay.

Cutubyo ka mid ah ciidamadaas ayaa loosoo gabagabeeyay tababar la xiriira arrimaha howlgallada caalamiga ah, sida uu qoray wargeyska Al-Qarni ee ka soo baxa dalka Jabuuti.

Tababarkan oo socday muddo laba toddobaad ah ayaa ujeedadiisu ahayd in lagu diyaariyo ciidamada la gayn doono Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe horaanta sannadka 2025-ka, si ay ugu biiraan Howlgalka Xasilinta ee Qaramada Midoobay loona soo gaabiyo (MINUSCA).

Jigjiga

Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegtay in lagu guuleystay mashruuc tijaaaba ahaa oo lagu beeray Bariiska kaas oo laga hirgeliyaya Degmada Beercaano ee galbeedka Godey.

300 oo Hectare ayaa lagu tijaabiyay beerista Bariiska, iyada oo qorshuhu yahay in la ballaariyo wax-soo-saarka dhanka isku filnaanshaha cuntada , si looga kaaftoomo Bariiska laga keeno dibadda.

Itoobiya

Warshadaha Bunka ee Itoobiya ayaa la kulmaya caqabado waaweyn sababo la xiriira mamnuucid saddex sano ah oo lagu soo rogay dhoofinta Bunka cayriin ee dalalka kale ee soo saara Bunka, taas oo uu hirgeliyay Guddiga Bunka iyo Shaaha ee Itoobiya bishii Juun 13, 2021.

Mamnuuciddan ayaa loogu talagalay in kor loo qaado tartanka iyo in la hubiyo in Bunka Itoobiya lagu suuq geeyo wadamo aan Bunka soo saran balse waxay ka dhashay in la waayo suuqyo muhiim ah, sida Hindiya.

Kenya

Kenya waxay daaha ka rogtay ololaha murashaxnimo ee Raila Odinga ugu tartamayo xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, kadib munaasabad ballaaran oo lagu qabtay maanta madaxtooyada dalkaas.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa hore u xaqiijisay in dhammaan madaxda dalalka Bariga Afrika (EAC) lagu casuumay munaasabaddan basle waxaa kasoo qayb galay kaliya madaxda seddex dal oo kala ah Uganda, Tanzania iyo Koonfurta Suudaan.

Odinga oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa tilmaamay inuu mudnaanta koowaad siin doono danaha qaaradda Afrika, isaga oo ka shaqayn doona fududeynta isu socodka gudaha qaaradda si loo xoojiyo ganacsiga ka dhexeeya xubnaha ururka.


Suudaan

Dhimashada daadadka ku dhuftay dalka Suudaan todobaadki hore ayaa gaartay 132 qof, waxaana waxyeelloo kasoo gaartay 31,666 qoys oo ku nool 10 gobol.

Yemen

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee UNICEF ayaa ku dhawaaqday in 668 qof ay ku dhinteen Yemen kadib markii uu dalkaas ka dillaacay cudurka daacuunka tan iyo billowgii sanadka 2024.

Celcelis ahaan, in ka badan 1,500 xaaladood ayaa la soo sheegaya maalin kasta dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay.

Faransa

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa lagu wadaa inuu dhawaan ku dhawaaqo cidda uu u doortay ra’iisul wasaarihi bedeli lahaa Gabriel Attal oo uu xilka iska casilay kadib doorashooyinkii dalkaas ee bishii July.

Doorashooyinka dalkaas ayaa keentay in isbahaysiga garabka bidix ee Nouveau Front Populaire uu ku guuleysto inta badan kuraasta Baarlamaanka.

Moldova

Moldova waxa ay u dabaaldageysaa maalinti ay ku dhawaaqday inay ka madax bannaantahay Midowgii Soofiyeeti oo ku beegneed 27-kii Agoosto 1991.

Madaxweynaha Estoniya Alar Karis, Madaxweynaha Latvia Edgars Rinkevics iyo Madaxweynaha Lithuania Gitanas Nauseda ayaa ugu muhiimsan madaxda ka qayb geleysa xuska maalinta xorriiyadda ee Moldova

US

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa doodi doona arrinta la xiriirta matalaadda sinaanta ah ee Golaha Ammaanka iyo sidoo kale suurtagalnimada ah in la ballaariyo Golaha.

Golahan Ammaanka waxa soo foodsaaray waayihii ugu dambeeyay dhalleeceyn badan kadib markii uu ku guul darreysatay inuu wax ka qabto dhibaatooyinka loo xil saaray ee ka jira dunida.

Dhowr waddan ayaa ku baaqay in dib u habeyn buuxda lagu sameeyo hannaanka Golaha Ammaanka.

Mareykanka / Shiinaha

La-taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa booqasho saddex maalmood ah ku tagaya dalka Shiinaha, kaddib casuumaad uu ka helay Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi oo ku saabsan wada-hadallada istiraatiijiga ah ee Shiinaha iyo Mareykanka

Falastiin

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 326-ad, waxaana ku dhintay in ka badan 40 kun iyo 435 qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 93,534 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 652 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,400 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad gaaraya 9, 970 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

10 diyaaradood oo ah kuwa caalami ah ayaa baajiyay duullimaadyadii ay ku tagi jireen Israel kadib markii ay cirika isku shareertay cabsida laga qabo dagaal toos ah oo dhex mara Xisbullaahi iyo Israel.

Shirkadahaas waxaa ka mid ah Air France, the Dutch Transavia, the Hungarian Wizz Air, the Maltese Corendon, Ethiopian Airlines, Aegean Airlines, iyo Universal oo laga leeyahay Giriigga

Madaxweynaha Falastiin ayaa maalintii labaad booqasho ku jooga Boqortooyada Sacuudi Carabiya, waxaana lagu wadaa inuu la kulmo dhaxal-sugaha dalkaas, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Faalstiin

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here