Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka, iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay xiisadda ka cusboonaatay magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, waxeyna wax laga xumaado ky tilmaamtay khasaaraha ka dhashay xiisadaas.

Wasaaradda ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo colaadda, lagana waantoobo dhing dambe oo daata, iyada oo wax walva laga hormarinayo badqabka nafta iyo xoolaha dadka.

Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatay tira kalena waxaa kasoo gaaray dhaawac iska horimaadyo ka dhacay deegaanka Goof ee gobolka Sanaag.

Maamulka Khaatumo iyo Somaliland ayaa is dhaafsaday eedeymo la xiriira xiisadda kasoo cusbnootaay deegaanka, waxayna dadka deegaanku walaac ka qabaan in colaaddo sii ballaarato.

Garissa

Saraakiisha heer qaran ee Gaarisa ayaa lagu amray inay si dhow ula socdaan dhammaan mashaariicda ay dowladdu ka waddo deegaannada, iyagoo si joogto ah uga warbixinaya halka ay wax u marayaan.

Guddoomiyaha gobolka Waqooyi Bari, John Otieno, ayaa ku amray saraakiisha ismaamulka inay hubiyaan inaysan istaagin mashaariicda ay dowladda qarashka ku bixisay si loo soo gabagabeeyo.

Jabuuti

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo soo bandhigay qorshaha sannad siyaasadeedka 2024- 2025 ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay xooga saari doonto mashaariic waawayn oo dalka laga fuli doono dhawaan si kor loogu qaado kaabayaasha dhaqaalaha.

Hormarinta Dekadeha, dhuumaha shidaalka, la jaan qaadidda technology-ada casriga, dardargelinta dhincyada dalxiiska, caafimaadka iyo tamarta ayaa ka mid ah istiraatiijiyada uu soo bandhigay Geelle

Jabuuti ayaa sidoo kale xooga saareysa ka shaqaynta xasiloonida iyo is dhaxgalka gobolka Geeska Afrika

Eritrea / Yemen

Eritrea ayaa sii daysay 72 kaluumaysato Yemeniyiin ah kuwaas oo ku jiray xabsiyadeeda tan iyo bilowgii bishaan August, laguna eedeeyay inay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen biyaha dalkaas.

Maamulka Xudeydah ee dalka Yemen ayaa xaqiijiyay soo daysmadooda waxeyna ciidamada badda ee Eritrea ku eedeeyeen inay kalluumeysatada ka afduubteen biyaha caalamiga ah.

Iskaashatada Kalluumeysiga ee Xudeydah ayaa si kulul u cambaareeysay xadgudubyada sii kordhaya ee kaluumeysatada Yemen ay si joogto ah ugula kulmaan ciidamada bdda ee Eritrea, waxeyna ugu baaqeen beesha caalamka iyo hay’adaha xuquuqda aaadanaha inay wax ka qabtaan dulmiga ay la kulmaan kaluumeysatada sidoo kalena ay cambaareeyaan dhammaan xadgudubyada ka dhanka ah.

Mauritania

 Dowladaha Mauritania iyo Spaian ayaa kala saxiixday is-afgarad la xiriira sidii la isaga kaashan lahaa ka hortagga tahriibka iyo dambiyada abaabulan, sida ay sheegatay Wakaaladda Wararka Mauritania.

Heshiiska is-afgaradka ah waxa uu tilmaamaya in la sameeyo qaab-dhismeedka iskaashiga labada dal si wax looga qabto arrimaha socdaalka sharci darrada ah iyada oo la sameyn doono mashruuc tijaabo ah oo shaqo abuur loogu samaynayo dadka Mauritania.

Kenya

Bonnie Jenkins, oo ah xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka u qaabilsan xakameynta hubka iyo amniga caalamiga ah, ayaa booqasho labo maalmood qaadaneysa ku tegi doona Kenya, si uu wadahadallo ula yeesho madaxda dalkaas.

Waa mas’uulkii saddexaad ee ka tirsan dowladda Mareykanka oo booqasho ku taga Kenya tan iyo markii ay billowdeen dibadbaxyada dowladda looga soo horjeedo bishii June ee lasoo dhaafay.

UK/ Germany

Hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa qaabili doona Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer si ay wadahadallo uga yeeshaan xiriirka labada dal, ganacsiga iyo arrimaha ammaanka ee caalamka.

Xiisadda Bariga Dhexe ayaan ka maqnaan dooni wadahadallada labada hoggaamiye.

Lebanon

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ka yeelan doona mustaqbalka ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee ku sugan dalka Lebanon.

Hawlgalka UNIFIL ayaa qorshuhu ahaa in lasoo gabagabeeyo 31 August balse waxaa laga yaaba inu hal sano oo dheeraad ah loo cusbooneysiiyo, iyada oo la qiimeeynayo xiisadda ka taagan gobolka.

Mareyanka / Shiinaha

Lataliyaha Amniga Mareykanka Jake Sullivan, oo maalintii labaad booqasho saddex maalmood ah ku jooga Shiinaha, ayaa lagu wadaa inuu la kulmo madaxda Shiinaha.

Pakistan

Xisbiga ugu weyn Pakistan ee Jamaacada Islaamiga ah ayaa maanta oo Arbaco ah samaynaya shaqo joojin guud oo dalka oo dhan ah taas oo looga soo horjeedo canshuuraha cusub iyo qiimaha korontada ee dalkaas.

Falastiin

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 327-ad, waxaana ku dhintay in ka badan 40 kun iyo 476 qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 93,647 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 652 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,400 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad gaaraya 9, 970 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

10 diyaaradood oo ah kuwa caalami ah ayaa baajiyay duullimaadyadii ay ku tagi jireen Israel kadib markii ay cirika isku shareertay cabsida laga qabo dagaal toos ah oo dhex mara Xisbullaahi iyo Israel.

Shirkadahaas waxaa ka mid ah Air France, the Dutch Transavia, the Hungarian Wizz Air, the Maltese Corendon, Ethiopian Airlines, Aegean Airlines, iyo Universal oo laga leeyahay Giriigga


Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here