Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Gedo

Ugu yaraaan laba askari iyo dad kale oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay laba qarax oo ka dhacay maqaayad ku taal magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Muqdisho

Midowga Bangiyada iyo Shirkadaha Isgaarsinta ayaa iska fogeeyay inay jirto cid ay kula shirkoobeen ama ay faa’iido-wadaag kula noqdeen canshuuraha laga qaado ama horay loo qaadi jiray.

Arrinkaan ayaa imaanaya kadib warar ay ganacsatada gobolka Banaadir isla dhex marayeen todobaadyadii la soo dhaafay oo sheegayay in qaar kamid ah shirkadaha isgaarsiintu dowladda kala hadleen in qoondo laga siiyo lacagaha canshuuraha ah ee ay ganacsatada soo xareeyaan

Jabuuti

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa taageeray wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf , inuu noqdo guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika (AUC) sida uu barrtiisa X ku daabacay safiirka Jabuuti ee Sacuudi Carabiya Dya-Eddine Bamakhrama.

Taageerada OIC ayaa timid kadib kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee lagu qabtay caasimadda Cameroon ee Yaoundé

Eritrea

Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki ayaa gaaray magaalada Beijing si uu uga qayb galo madasha iskaashiga Shiinaha iyo Africa ee lagu wado inay billaabato 4 bishan September.

Kenya

Qofki afaraad ee uu ku dhacay furuq daanyeerka loo yaqaano Mpox ayaa laga diiwaan geliyay gudaha Kenya, sida ay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka ee dalkaas.

Mid ka mid ah darawalada gawaarida xamuulka ayaa laga helay cudurka kadib marki baaritaan lagu sameeyay, waana darawalki seddexaad ee laga helay cudurka Mpox.

Algeria

Algeria ayaa loo oggolaaday inay xubin ka noqoto Bangiga Horumarinta Cusub ee BRICS (NDB), sida ay sheegtay Sabtidi madaxweynaha Bangiga, Dilma Rousseff.

Bangiga NDB ayaa dhidibada loo taagay sannadkii 2015 xilligaas oo dowladaha ku bahoobay BRICS ay ahaayen kaliya Brazil, Russia, India, China iyo Koonfur Africa .

Bangladesh, Masar, Imaaraadka Carabta iyo Uruguay ayaa loo ogolaaday inay xubno cusub ka noqdaan Bangigna sanadkii 2021 taasoo qayb ka ah dardargelinta iyo ballaarintiisa.

Jarmalka

Ku dhawaad ​​5 milyan oo Jarmal ah ayaa codkooda ka dhiiban doona doorashooyinka maamul goboleedyada ee ka dhacaya bariga gobollada Saxony iyo Thuringia.

Xisbiga ka soo horjeeda soogalootiga ee Alternative for Germany ayaa la filaya inuu guul kasoo hooyo doorashada inkasta oo tartan adag dhex mari doono xisbiga Christian Democrats.

Indonesia

Magaalada Bali ee Indonesia waxaa ka furmaya shir saddex maalmood socon doona oo u dhaxeeya Indonesia iyo dalalka Afrika, kaasoo ah shirka labaad ee nuuciisa ah.

Madax sare oo ka socda Indonesia iyo wadamada Afrika ayaa ka qeyb galaya shirka.

Falastiin

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 331-ad, waxaana ku dhintay in ka badan 40 kun iyo 691 qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 94,600 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 675 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,400 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad ka badan 10 kun iyo 200 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here