Monday, September 16, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Waxaa baaqday maanta kulankii ay yeelan lahaayeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya. Farriin lala wadaagay xildhibaanada baarlamaanka iyo warbaahinta ayaa lagu sheegay in kulankii maanta ee loo madalsanaa inuu baaqday, balse lama raacin sababta baaqashada kulanka.

Kulanka Golaha ee baaqday maanta ayaa ajandihiisu ahaa in looga hadlo akhrinta labaad ee Hindise-Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Soomaaliyeed.

Jabuuti/ Shiinaha

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta oo Isniin ah kula kulmay magaalada Beijing dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping, waxeyna kawada hadleen xoojinta xiriirka 45 jirsaday ee labada dal.

Geelle ayaa lagu wadaa inuu ka qaybgalo shirka 9-aad ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC).

Kenya

Dowladda Kenya ayaa Mareykanka ku wareejisay nin lagu magacaabo Kelvin Kinyanjui Kang’ethe oo ku eedeysan inuu saaxiibtiis dilay, si loogu maxkamadeeyo gudaha Mareykanka.

Eedeysanaha ayaa si baxsad ah ku yimid Kenya sanadkii 2023-kii, waxaana waayadii ugu dambeeyay baadi goobayay laamaha amniga ee Kenya.

Jarmalka

Xisbiga midigta fog ee dalka Jarmalka ayaa ku guuleystay doorashadii ka dhacday gobolka Thuringia isagoo helay 32.8% codadkii laga dhiibtay . Sidoo kale gobolka deriska la ah ee Saxony ayuu ka helay 30% .

Madaxa Komishanka Midowga Yurub Ursula von der Leyen ayaa ka qayb gali doonta Madasha Istaraatiijiyada ee Bled inta ay ku guda jirto booqashadeeda Slovenia. Waxaa lagu wadaa in ay jeediso khudbad ku saabsan istaraatiijiyadda ballaarinta Midowga Yurub ee Galbeedka Balkans.

Mareykanka

Madaxweyne Joe Biden iyo haweeneyda ku xigeenka u ah Harris ayaa lagu wada inay Aqalka Cad kula kulmaan kooxda u qaabilsan wadahadallada Israel iyo Xamaas kadib markii la helay lix qof oo ku jiray gacanta Xamaas oo mayd ah .

Japan

Japan waxaa hakad ku jira adeegyada tareenada iyo qaar ka mid ah duulimyaadyada diyaaradaha kadib markii ay dalkaas ku dhufutay duufaan xoogan.

Lix qof ayaa ku dhintay duufaanta, waxaana dhaawac kasoo gaaray in ka badan 100 qof.

Pakistan

Pakistan waxaa laga diiwaan geliyay ugu yaraan afar kiis oo cudurka mpox ah iyadoo hay’adaha caafimaadu ay sare u qaadeen tillaabooyin looga hortagayo faafitaankiisa.

Bangladesh

Dhaqaatiirta Bangladesh ayaa ku guda jira shaqo joojin aan la sheegin xilliga ay ku egtahay taas oo saameyn ku yeelatay habsami u socodka daryeelka caafimaadka.

Dhaqaatiirtan ayaa ka cabanaya weeraro iyo xadgudubyo ay kala kumeen qaar ka mid ah ehellada ardaydii ku dhaawacantayy dibadbaxyadii ugu dambeeyay ee dalkaas ka dhacay

Africa

Madaxda dalalka Africa ayaa kusii qulquleysa magaalada Beijing si ay uga qeyb galaan shir madaxeedka 9-aad ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) oo socon doonta 4-ta illaa 6-da September.

Falastiin

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 332-ad, waxaana ku dhintay in ka badan 40 kun iyo 691 qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 94,600 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 675 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,400 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad ka badan 10 kun iyo 200 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Tirada askarta Israel looga dilay dagaalka ayaa gaartay 705, halka dhaawacana lagu sheegay 4,401, oo askari.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here