Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Ruushka

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo booqasho ku jooga dalka Mongolia ayaa la kulmay dhiggiisa dalkaas Ukhnaagiin Khurelsukh iyaga oo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dal gaar ahaan arrimaha ganacsiga.

Waxaa la filaya in labada dal kala saxiixdaan dhowr heshiis. Waa markii ugu hgoreysay ee Putin booqasho ku tago dal Xubin ka ah Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah tan iyo markii ay soo saartay amar lagu soo xirayo isaga.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale la filayaa inay ka qeybgalaan dabaaldegyo ku saabsan sanad guuradii 85-aad ee ka soo wareegatay guushii wadajirka ahaa ee Midowgi Soofiyeedka iyo Mongolia ay ka gaareen Japan dagaalkii labaad ee Adduunka.

Congo

Ugu yaraan 129 qof ayaa ku dhintay 59 kalena waa ay ku dhaawacmeen isku day baxsi oo ka dhacay xabsiga ugu weyn ee ku yaal caasimadda Congo ee Kinshasa.

Shiinaha

Madaxda inta badan dalalka Africa ayaa gaaray magaalada Beijing si ay uga qeyb galaan shir madaxeedka Shiinaha iyo Afrika, kaasoo oo socon doona laba maalin

Shirkan ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin iskaashiga ganacsiga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Africa iyo Shiinaha.

Uganda

Dhwor haween oo dhigay mudaaharaad looga soo hojeedo musuqmaasuqa ayaa lagu xiray Uganda maalintii Isniinta, waxaana la filaya in dhawaan lasoo taago maxkamad

Africa

Ururka Saadaasha Hawada Adduunka ayaa sheegay in qiyaastii 118 milyan oo qof oo sabool ah oo ku nool qaaradda Afrika inay la kulmi doonaan abaaro, daadad iyo kulayl aad u daran marka la gaaro 2030, haddii aan tillaabo ku filan laga qaadin isbeddelka cimilada.

Dalalka Afrika ayaa lumiyay qiyaastii 2.5 % wax soo saarka guud ee gudaha sababo la xiriira dhibaatooyinka ka dhashay isbeddelka cimilada.

Masar/ Turkiga

Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-siisi ayaa lagu wada inuu berri booqasho ku tago dalka Turkiga

Ku dhawaad ​​20 heshiis ayaa lagu wadaa iny kala saxiixdaan labada dal, waxaana ka mid ah dhinacyada Difaaca, Tamarta, Dalxiiska, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Dhaqanka.

Is dhaafsiga ganacsiga labada dal hadda gaaraya $10 bilyan balse qorshuhu waxa uu yahay in la gaarsiiyo $ 15 bilyan

Switzerland

Switzerland ayaa ku dhawaaqday, inay dib u fureyso safaaradeeda Ciraaq, ka dib 33 sano oo ay xirneed laga soo billaabo intii lagu jiray dagaalkii Khaliijka 1991-kii.

Faransa

Faransiiska ayaa sheegay in doon ay saarnaayeen tahriibayaal inay ku degtay kanaalka Ingiriiska ee u dhexeeya Faransiiska iyo Boqortooyada Ingiriiska, halkaas oo ay ku dhinteen 10 qof, sida ay tilmaameyso qiyaasta hordhaca ah.

Ciyaaraha

Ciyaariyahanka u dhashay Uruguay Luis Suarez hadana ah weerar yahanka kooxda Inter Miami ee dalka Mareykanka, ayaa ku dhawaaqay inuu isaga fariisanayo ciyaaraha caalamiga ah, kaddib ciyaarta xulka qaranka dalkiisa ay jimcaha soo aaddan ku ciyaari doonaan caasimadda Montevideo, ee ka tirsan isreeb-reebka koobka adduunka ee Koonfurta Ameerika 2026-ka.

Weeraryahankii hore ee kooxaha Barcelona iyo Liverpool ayaa noqday ciyariyahanka ugu gool dhalinta badan dalkiisa , isagoo dhaliyay 69 gool kadib markii uu ciyaaray 142 kulan

Falastiin

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 333-ad, waxaana ku dhintay in ka badan 40 kun iyo 786 qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 94,224 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 675 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,400 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad ka badan 10 kun iyo 200 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Tirada askarta Israel looga dilay dagaalka ayaa gaartay 706, halka dhaawacana lagu sheegay 4,417, oo askari.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here