Monday, September 16, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Kulanki Golaha Shacabka ee lagu ballansanaa maanta oo Sabti ah ayaa baaqday, waana markii seddexaad oo xariir ah oo ay baaqdaan kulamada Golaha Shacabka

Lama shaacin sababta keentay baaqashada kulankii maanta balse inta abdan Kulamada Golaha Shacabka ayaa u baaqda kooram la’aan ama xiisad siyaasadeed oo ka jirta dalka

Dhanka kale, shalay waxaa warbaahinta lagu wargeliay in la mamnuucay wareysiyadii ay ka qaadi jireen xildhibaanada marka ay soo dhamaadaan kulamada Golaha Shacabka

Britain

Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer ayaa kula kulmaya Ra’iisul Wasaaraha Ireland Simon Harris magaalada Dublin kulankiisi labaad tan iyo markii uu xafiiska la wareegay. Kulankoodii ugu dambeeyay ayaa dhacay 17-kii July, waxeyna ku heshiiyeen inay dib u dejiyaan iskaashiga UK iyo Irish iyada oo la qabanayo shirarka sannadlaha ah.

Dadwayne kasoo horjeeda dagaalka Gaza ayaa socod ku tegay safaaradda Israel ee London si ay uga mudaaharaadaan weerarrada joogtada ah ee Gaza iyo Daanta Galbeed, iyo sidoo kale hubka ay dowladdoodu siiso Israel

Congo

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa heli doonta shixnaddeedii labaad ee tallaalka mpox si ay wax uga qabato xakamaynta faafitaanka fayraska cudurkaan ku baahay dalal kale oo qaaraadda ah.

Nigeria

Mudaaharaadyo looga soo horjeedo kororka ku yimid qiimaha shidaalka ayaa ka dhacaya qeybo ka mid ah dalka Nigeria oo ah dal soo saara shidaalka

Kenya

Saraakiisha ammaanka Kenya ayaa la filayaa inay shacabka u soo gudbiyaan warbixintii ugu dambeysay ee ku saabsan dabkii sababay dhimashada 17-ka arday.

Japan

Ra’iisul Wasaaraha Japan Fumio Kishida oo xilka ka sii dagaya ayaa booqashadiisi ugu dambeysay ku tegay Kuuriyada Koonfureed si ay labada dal isku dhaafsadaan aragtiyo ku saabsan xiriirka labada dhinac, gobolka iyo arrimaha caalamiga ah.

Suudaan

Guddi xaqiiqo raadin ah oo ka socda Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii ku baaqay in ciidan nabad ilaalin loo diro dalka Suudaan si loo badbaadiyo dadka rayidka ee dhibaatadu kasoo gaartay colaadda dalkaas ka jirta ee sababtay in malaayiin qof ay noqdaan hoy la’aan, kuwa kalena ay wajahayaan gaajo.

Dagaalka u dhexeeya ciidamada Suudaan iyo kooxda kasoo horjeeda ee RSF ayaa galay bishii 17-aad, waxayna labada dhinac dileen dad badan oo ay ku jiraan carruur, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday guddigaan oo loo bandhigi doono toddobaadka soo socda Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay.

Algeria

In ka badan 24 milyan oo qof ayaa codkooda ka dhiibanaya doorashada madaxtinimo ee dowladda ugu wayn Africa ee Algeria maanta oo Sabti ah.

Doorashadu waxay dhaxtaal seddex murashax basle waxaa la saadaalinaya in madaxweynaha hadda talada haya Cabdulmajiid Tebboune inuu ku guuleysan doono mar labaad oo xiriir ah.

Natiijada hordhaca ah ayaa la filaya inay soo baxdo isla fiidnimada Sabtida, waxaana si rasmi ah loo shaacin doonaa maalinta Axadda ah.

Itoobiya

Wasaaradda Maaliyadda Itoobiya ayaa u gudbisay Golaha Wasiirada hindise ay ku dooneyso in si rasmi ah loo ansixiyo mushaar kordhin loo samaynayo ku dhawaad ​​2.4 milyan oo shaqaale dowladeed ah.

Haddii la ogolaado mushaar kordhintaan oo u baahan lacag dhan 91.4 bilyan oo birr, waxay hirgeli doontaa 11ka Sebtembar, 2024.

Eritrea

Madaxda Eritrea iyo Suudaan ee ku sugan magaalada Beijing ayaa ka wada hadlay xaaladda Suudaan, xiriirka labada dal, iyo arrimaha gobolka iyo caalamka.

Faransa

Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka dalka Faransiiska maanta, iyaga oo kasoo horjeeda go’aankii madaxweyne Emmanuel Macron uu ugu magacaabay Michel Barnier, inuu noqdo ra’iisul wasaare, halka xisbiyada bidixduna ay ku eedeeyeen Macron inuu xaday natiijadii doorashada Baarlamaanka.

Falastiin

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 337-ad, waxaana ku dhintay in ka badan 40 kun iyo 878 qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 94,455 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 675 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,400 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad ka badan 10 kun iyo 200 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Tirada askarta Israel looga dilay dagaalka ayaa gaartay 706, halka dhaawacana lagu sheegay 4,417, oo askari.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here