Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukunno kala duwan ku riday 7 askari oo lagu eedeeyay dil, qal-qal gelin amni iyo ku takrifal dhul dowladeed.

Mahdi Colaad Xiireey iyo Nuur Daahir Xersi waxaa lagu xukumay in ay bixiyaan Boqol Halaad oo geel ah ahna Magta Marxuum Cabdullaahi Maxamed Ibraahim iyo shan sano oo Xabsi Ciidan ah.

Xasan Cabdulle Samatar ayay maxkamadu ku xukuntay 7 sano oo Xabsi Ciidan ah.

Maxamed Khaliif Xuseen, Cabdiqani Cali Xaaji, Nuur Cabdi Maxamed iyo Axmed Xasan Maxamed, ayaa lagu xakumay min seddex sano oo Xabsi Ciidan ah.

Jigjiga

Horaantii bishii July, waxaa imtixaanka shahaadiga ah ee dowlad deegaanka Soomaalida u fadhiistay arday gaareysay 21,225 arday laakin natiijadii soo baxday waxay muujisay inay gudbeen kaliya 261 arday oo udhiganta 1.2%.

158 Dugsi oo ku yaal dowlad deegaanka Soomaalida, hal arday kama baasin sida uu sheegay xafiiska waxbarashada ee deegaanka.

Wajeer

Macalimiinta dhamaysatay kulliyadda tababarka macallinimo ee ismaamulka Wajeer ayaa ka cabanaya shaqo la’aan baahsan oo haystay 10-kii sano ee la soo dhaafay, waxayna codsi u direen maamulka si loo shaqaaleysiiyo

Macallimiintan bartay xirfadda macallinimada aasaasiga ah ee ECDE ayaa ah kuwo haysta shahaadada diploma, waxayna bannaanbax ka dhigeen ismaamulka Wajeer si codsigooda uu u gaaro dowladda ismaamulka.

Jabuuti

Ciidamada Canshuuraha Gobolka Cali Sabiix ee Jabuuti ayaa gacanta kusoo dhigay walxo ay ku sheegeen kontorobaan oo la doonayay in si sharci darro ah dalka Jabuuti loo soo geliyo.

Waxyaabaha ay ciidamada qabteen waxaa ka mid ah 7 kartoon oo caano ah, cabitaano , sigaar noocyadiisa kala duwan, iyo 2,500 kg oo qaad ah. 

Masar

Shirka 162-aad ee Golaha Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta ayaa maanta oo Talaado ah ka furmaya magaalada Qaahira ee dalka Masar, waxaana looga hadlayaa xaaladda Gaza iyo arrimo kale oo gobolka ah.Wasiir Fiqi ayaa uga qayb gelaya Soomaaliya

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan oo shirka lagu casuumay 13 kadib ayaa la filayaa inuu ka hadlo shirka, isagoo diiradda saaraya xiriirka Turkiga iyo Jaamacadda Carabta iyo arrimaha gobolka, gaar ahaan xaaladda Gaza.

Suudaan

Xaaladda bini’aadantinimo iyo tan ammaanka ee Suudaan ayaa sii xumaanaysa iyada oo ay socdaan isku dhacyo u dhexeeya ciidamada iyo xoogaga kasoo horjeeda RSF

Georgia

Kulanka saddex geesoodka ah ee 11-aad ee u dhexeeya Wasiirada Difaaca dalaka Turkiga, Azerbaijan iyo Georgia ayaa la filayaa inuu ka dhaco magaalada Batumi ee Georgia.

Germany

Wasiirka arrimaha dibadda Jarmalka Annalena Baerbock ayaa la kulmi doonta dhiggeeda Hindiya Subrahmanyam Jaishankar si ay uga wadahadlaan arrimaha labada dal iyo kuwa caalamiga ah.

Finland

Madaxweynaha Finland Alexander Stubb ayaa booqan doona Warsaw si uu wadahadalo ku saabsan xiriirka labada dal iyo arrimaha caalamiga ah ula yeesho dhiggiisa Poland Andrzej Duda oo ku saabsan . Stubb wuxuu khudbad ka jeedin doonaa Shirka Safiirada, wuxuuna ka qayb qaadan doonaa dood cilmiyeed ku saabsan xaaladda amniga ee gobolka Baltic.

US

Dowladda Mareykanka ayaa la filayaa inay war kasoo soo saarto dagaalka Gaza iyo dilkii Israel ay Jimcihii hore ugu geysatay Daanta Galbeed muwaadinad Mareykan ah oo asal ahaan kasoo jeeda Turkiga.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ahna musharaxa xisbiga Dimuqraadiga Kamala Harris iyo madaxweynihii hore ee dalkaas ahna musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa dooddoodii ugu horeysay isku arki doona, waxaana la filaya inay noqoto dagaal afka ah.

UN

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa yeelan doona kulan ay kaga hadlayaan xaalada dalka Ukraine. Ecuador iyo France ayaa codsaday kulanka kadib weeraradii ugu dambeeyay ee Ruushku ku qaaday magaalooyin badan oo Ukraine ah.

Nigeria

Ururada shaqaalaha Nigeria ayaa aad uga carooday tillaabada ay ciidamada amaanku ku xireen gudoomiyaha ururka shaqaalaha Nigeria, Joe Ajaero. Guddoomiyaha ayaa la xiray xili uu ku sii jeeday UK si uu uga qeyb galo shirweynaha ururka shaqaalaha ee London.

Pakistan / Afghanistan

Xiisada u dhaxaysa Pakistan iyo Afghanistan ​​ayaa kacsan kadib dagaal cusub oo dhexmaray labada ciidan ee ku sugan xuduudka ay wadaagaan labad dal. Dhowr qof ayaa ku dhintay iska horimaayada ciidamada.

Shiinaha / Sacuudiga

Ra’iisul wasaaraha Shiinaha Li Qiang ayaa booqan doona Sacuudiga, si uu waahadallo ula yeesho dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan. Li iyo Maxamed Bin Salmaan waxay uu si wadajir ah u shir guddoomin doonaa shirka afraad ee guddiga wadajirka ah ee Shiinaha iyo Sacuudiga.

Falastiin

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay bishii 12-aad iyada oo aysan muuqanin rajo laga qabo inay dhacdo xabbad joojin marka laga eego mowqifyada labada dhinac sida ay u kala fogyihiin.

Ciidamada Israel waxay duqeyn cirka ah iyo weeraro dhulka ah ku dileen in ka badan 40 kun iyo 988 qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 94,825 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 692 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,700 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad ka badan 10 kun iyo 200 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Tirada askarta Israel looga dilay dagaalka ayaa gaartay 706, halka dhaawacana lagu sheegay 4,428, askari.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here