Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Baydhabo

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, isaga oo madaxda Koonfur Galbeed kala hadli doona dejinta xiisadda ka dhalatay joogitaanka ciidamada Itoobiya iyo kuwa Masaarida ee la qorsheynayo inay kusoo biiraan ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa garab istaag u muujiyay xildhibaanda taageeray joogitaanka ciidamada Itoobiya ee deeganada maamulkaas, wuxuuna ugu baaqay inay wadatashi u yimaadaan Baydhabo.

Hargeysa

Somaliland ayaa albaabada isagu laabtay Maktabadda Dhaqanka Masar ee Hargeysa, iyada oo shaqaalaha ka howlgala u qabtay inay Somaliland uga baxaan 72 saacadood gudahood.

Waa tillaabadii ugu horeysay ee Somaliland ka qaaddo Masar tan iyo markii ay billaabatay xiisadda ka taagan gobolka, taas oo ay xildheerayaashu u arkaan inay kasii dari doonto haddii aan laga gaarin xal degdega ah.

Boosaaso

Magaalda Boosaaso waxa ka taagn xiisad kadib markii loo diiday ciidamo ka tirsan Taliska ciidanka amniga Puntland ee loo yaqaan PSF inay ka dhoofaan garoonka Boosaaso.

Qoraal kasoo baxay PSF ayaa lagu wargeliay dadwaynahay inay isaga fogaadaan agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso, waxaana sidoo kale looga digay diyaaradaha inay isticmaalaan garoonka.

Qaahira

Magaalada Qaahira waxaa ka dhacay kulan gaar ah uu shirgudoomiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Axmed Macalin Fiqi kaas oo looga hadlay xiisadda ka taagan Geeska Afrika ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Kulankan waa kii seddexaad ee uu yeesho guddi ay Jaamacadda Carabtu u xilsaartay taageerada madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya kadib markii ay Itoobiya heshiis dhanka badda ah la gashay Somaliland billowgii sanadkan 2024.

Jabuuti

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jabuuti ayaa beeniyay wararka sheegaya in Dekedda Tajuura lagu wareejinayo maamulkeeda ama la siinayo Itoobiya.

Wareysi  uu siiyey TV-ga gaar ka ah ee dowladda Jabuuti ayuu Wasiirku carrabka ku adkeeyay in Dekedda Tajuura, sida dekedaha kale ee dalka, ay ka mid tahay dhaxalka qaranka Jabuuti oo aanan la iibin doonin ama la siin doonin cid kale oo shisheeye ah.

Itoobiya

178 askaro oo ka tirsanaa ciidamada Itoobiya kana soo jeeday qowmiyadda Tigray-ga oo horay loogu xukumay dil toogasho ayaa la cafiyay, waana lasii daayay.

Waxay ka mid ahaayeen kumannaan qof oo la xiray wax yar ka dib markii uu qarxay dagaalkii Tigray-ga, waxaana lagu soo eedeyay dacwado ay ka mid tahay qayaano qaran.

Kenya

Shaqa joojinta ay sameeyeen shaqaalaha garoonka caalamiga ah ee ugu weyn Kenya ee magaalada Nairobi ee Jomo Kenyatta  ayaa sababtay dib u dhac ku yimid duulimaadka iyo in la baajiyo rakaabkii dhoofayay ama kasoo degayay garoonka, sida ay Kenya Airways sheegtay.

Ururka ugu weyn ee shaqaalaha duulista ee Kenya ayaa sheegay inuu qaadi doono tillaabooyin looga soo horjeedo heshiis ay xukuumaddo la gashay shirkadda Adani Group ee laga leeyahay Hindiya, taas oo dooneysa inay ballaarin ku sameyso garoonka.

UN

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inuu u codeeyo qaraar qabyo ah oo lagu cusboonaysiinayo cunaqabataynta Suudaan ee dhinacayda maaliyadda iyo hubka illaa September, 2025.

Jarmalka

Hogaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa khudbad ka jeedin doona baarlamaanka dalkaas taas oo ku saabasan qorshaha miisaaniyada 2025 ee dowladda. Waxaa la filayaa in uu soo bandhigo siyaasadda arrimaha dibadda ee xukuumaddiisa iyo qorshaha lagu kordhinayo kharashaadka difaaca.

Turkiga

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka qeyb galay xafladda dhaarinta xubin cusub oo ka tirsan Maxkamadda Dastuuriga oo ka dhacday xarunta Maxkamadda Sare.

UK / US

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken, oo uu weheliyo xoghayaha arrimaha dibadda UK David Lammy, ayaa u socdaalaya dalka Ukraine, halkaas oo ay kula kulmi doonaan madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy iyo madax sare oo ka tirsan dowladda Ukraine.

Waa tillaabo kale oo ay labada dowladood ku muujinayaan taageerada ay siiyaan Ukraine xilli uu sii xoogeystay dagaalka ay kula jirto Ruushka todobaadyadii ugu dambeeyay.

Japan

Wasiirka arrimaha dibadda ee Japan Yoko Kamikawa ayaa ku dhawaaqday inay u tartamayso hoggaanka xisbiga Liberal Democratic Party. Waxey noqoneysa murashaxi sagaalaad ee isu soo taaga doorashada xisbiga ee la filaayo inay dhacdo 27 September .

Rohingya

Qaxootiga Rohingya ee ku jira xerada ugu weyn Hindiya ee ku taal bariga gobolka Assam ayaa cuntada ka soomay tan iyo Isniintii. Waxay dalbanayaan in dib u dejin looga sameeyo waddan saddexaad iyada oo loo sii marayo xafiiska qaxootiga ee Qaramada Midoobay.

Senegal

Tirada dadkii ku dhintay doonidii ku qalibantay xeebaha dalka Senegal todobaadkan ayaa kor u kacday ka dib markii ciidamada baddu ay heleen 17 meyd ah , taasoo ka dhigeysa tirada guud ee dhimashada 26. Saraakiisha ayaa sheegay in qaar badan oo ka mid ah dadkii doonta saarnaa weli la la’yahay.

Falastiin

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay bishii 12-aad iyada oo aysan muuqanin rajo laga qabo inay dhacdo xabbad joojin marka laga eego mowqifyada labada dhinac sida ay u kala fogyihiin.

Ciidamada Israel waxay duqeyn cirka ah iyo weeraro dhulka ah ku dileen in ka badan 41 kun iyo 20 qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 94,925 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 692 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,700 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad ka badan 10 kun iyo 200 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Tirada askarta Israel looga dilay dagaalka ayaa gaartay 706, halka dhaawacana lagu sheegay 4,431, askari.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here