Friday, September 20, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Baydhabo (Dawan)- Ra”iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre oo magaalada Baydhaba u jooga dejinta khilaafkii ka dhashay joogitaanka ciidamada Itoobiya ee kuwa Masar ee la qorsheynayo inay dalka imaadaan ayaa kulamo kala duwan la yeeshay mas’uuliyiinta iyo oday dhaqameedka Koonfur Galbeed.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu isku dayaya inuu Cabdicasiis Laftagareen ku qanciyo kasoo qaybgalka shirka Golaha wadatashiga Qaran ee la filayo inuu ka dhaco Muqdisho.

Dooxa

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa caddeeyay inaysan jirin ciidamo Masaari ah oo hadda ku sugan Soomaaliya, iyada oo maalmihi lasoo dhaafay la isla dhexmarayay inay Muqdisho soo gaareen ciidamo ka socda Masar.

Suudaan

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dib u cusboonaysiiyay cunaqabataynta hubka ee dhinacyada ku dagaallamaya Darfur, iyadoo uu weli socdo dagaalka u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo kuwa kasoo horjeeda ee RSF.

Xayiraaddan cusub ayaa ujeedkeedu yahay in la xaddido qulqulka hubka iyo in wax laga qabto dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee kusii kordhaya Suudaan.

Kenya

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay bixin doonto qarashaadka caafimaad ee ardaydii ku dhaawacantay dabkii saameeyay dugsiga hoose dhexe ee Hillside Endarasha Academy.

Waxay sidoo kale dowladdu bixin doonta qarashaadka aaska meydadka 21 arday oo dabkaas ku nafwaayay.

Iran/ Iraq

Madaxweynaha Iran Mascuud Pezeshkian ayaa safarkiisii ​​ugu horeeyay ee dibadda ah tan iyo markii uu xafiiska la wareegay ku tegay dalka Ciraaq.

Labada dhinac ayaa kala saxiixday dhowr heshiis oo ay ka mid yihiin la dagaalkana argagixisada iyo dadaallada lagu xakameynayo tahriibka.

Poland

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa madaxda sare ee dowladda Poland kala hadli doona dagaalka Ruushka iyo Ukraine iyo sii wadida taageerada reer galbeedka ee Kyiv.

UN

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa yeelanaya fadhi ay uga hadlayaan xaaladda Yemen.

Nigeria

Dadaalada gargaarka ee loo fidinayo in ka badan 1 milyan oo qof oo ay saameeyeen daadad ku dhuftay gobolka Borno ee dalka Nigeria ayaa la filaya inay billowdaan.

Turkiga

Maanta oo Khamiis dowladaha Turkiga iyo Uzbekistan ayaa qalinka ku duugay heshiis kor loogu qaadayo iskaashiga labada dal.

Falastiin

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay bishii 12-aad iyada oo aysan muuqanin rajo laga qabo inay dhacdo xabbad joojin marka laga eego mowqifyada labada dhinac sida ay u kala fogyihiin.

Ciidamada Israel waxay duqeyn cirka ah iyo weeraro dhulka ah ku dileen in ka badan 41 kun iyo 84 qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 95 kun iyo 29 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 702 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,700 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad ka badan 10 kun iyo 200 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Tirada askarta Israel looga dilay dagaalka ayaa gaartay 708, halka dhaawacana lagu sheegay 4,440, askari.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here