Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Wajeer

Dablay hubeysan oo aan la garan heybtooda ayaa dab qabadsiiyay laba baabuur oo xamuul ah oo sidey jaad. Weerarkan ayaa ka dhacay meel u dhaxaysa ismaamullada Wajeer iyo Mandheera.

Mali

Dowladaha Mali, Burkina Faso iyo Niger ayaa qorsheynaya inay soo saaraan baasaboor ay ku mideysanyihiin seddexdan dal. Waa tillaabo ay dowladahan ugu gogol xaarayan urur cusub oo ay yagleelayaan kadib markii ay ka baxeen urur goboleedka ECOWAS ee wadamada galbeedka Africa.

Nigeria

281 maxbuus ayaa ka baxsaday xasbi ku yaal waqooyi bari Nigeria kadib markii daadad xoogan ay dumiyeen darbiga xabsigi ay ku jireen.

Kenya

Dhaqaatiirta ka howlgasha isbitaalka Nairobi ayaa ku dhawaaqay inay qayb ahaan joojiyeen shaqadii ay hayen, iyaga oo dalbaday iscasilaada golaha maamulka ee isbitaalka oo ay ku eedeyeen musuqmaasuq.

Maamulka isbitaalka ayaa iska fogeeyay eedeymahan, wuxuuna u sheegay dadwaynaha in howlihii isbitaalka u socdaan si caadi ah.

Shiinaha

Dowladda Shiinaha waxay qorsheynaysaa inay kordhiso da’da howlgabka shaqaalaha. Walaac badan ayaa laga muujinaya tirada dadka waayeelada ah ee sii kordheysa marka loo eego tirada da’yarta oo aad u hooseysa.

Vietnam

Kumanaan qof oo ku kala nool Vietnam, Thailand iyo wadamo kale oo ku yaalla Koonfur Bari Aasiya ayaa wajahaya daadad ba’an oo ay sabab u tahay duufaanta Super Typhoon Yagi.

In ka badan 400 oo qof ayaa ku dhintay, boqolaal ayaa ku dhaawacmay halka kumanaan kalena ay ku barakaceen.

Kuuriyada Waqooyi

Kuuriyada Waqooyi ayaa si cad u shaacisay markii ugu horeysay xarun lagu kobciyo uranium-ka iyadoo hogaamiyaha dalkaas Kim Jong Un uu ku baaqay in la ballaariyo awooda Nukliyeerka ee dalkiisa.

Congo

Maxkamad ku taal Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa la filayaa in ay xukun ku riddo shaqsiyaad lagu eedeeyay in ay isku dayeen in ay afgambiyaan madaxweynaha dalkaas.

Kenya

Diyaarad ay saarnaayeen 11 qof ayaa duhurnimadii maanta ka baxday dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka Lichota Airstrip ee ismaamulka Migori ee dalka Kenya.

War qoraal ah oo kasoo baxay shirkadda iska leh diyaaradda ayaa lagu sheeegay inay badbaadeen rakaabi iyo shaqaalihii diyaaradda.

Pakistan

Maxkamad ku taal dalka Pakistan ayaa dammaanad ku sii deysay 10 xildhibaan oo ka tirsan xisbiga uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalkaas Imran Khan oo hadda maxbuus ah.

Falastiin

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay bishii 12-aad iyada oo aysan muuqanin rajo laga qabo inay dhacdo xabbad joojin marka laga eego mowqifyada labada dhinac sida ay u kala fogyihiin.

Ciidamada Israel waxay duqeyn cirka ah iyo weeraro dhulka ah ku dileen in ka badan 41 kun iyo 206 qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 95 kun iyo 337 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 703 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,700 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad ka badan 10 kun iyo 200 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Tirada askarta Israel looga dilay dagaalka ayaa gaartay 708, halka dhaawacana lagu sheegay 4,445, askari.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here