Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa diiday rafcaanki ay ka qaateen Qareenadda Sayid Cali Macalim Daa’uud, waxayna ayidday xukunkii dilka toogashada ahaa ee Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir hore ugu xukuntay.

Kenya

In ka badan 1.2 milyan oo qof ayaa iska diiwaan geliyay hannaanka caymiska cusub ee caafimaadka bulshada sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Kenya

Koonfur Afrika

25 qof ayaa ku dhaacantay shil tareen oo ka dhacay dalka Koonfur Afrika. Tareenka oo ka yimid magaalada dekedda ah ee Cape Town ayaa kusii jeeday Wellington balse cellad ku timid ayaa sababtay inuu jidka ka baxo.

Marooko

Askari Israa’iili ah oo lagu magacaabo Moche Aviczer ayaa la filaya in lasoo taago Maxkamad ku taal Marooko kadib markii lagu eedeyay inuu ka qayb qaatay dagaalka ay Israel ka waddo Gaza.

Aviczer, ayaa lagu xiray Marrakesh, isaga oo u joogay fasax, waxa uuna wajahaya eedeymo culus oo ay ka gudbisay xeer ilaalinta dalkaas.

Suudaan

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Talaadadii ugu baaqay dhinacyada isku haya Suudaan in ay dib u billaabaan wadaxaajood si loo soo afjaro dagaalka socda in ka badan 17 bilood.

Mareykanka ayaa horay ugu eedeeyay labada dhinac inay galeen dambiyo dagaal, waxa uuna cunaqabateyn saaray 16 qof.

Koonfurta Suudaan

Dhowr xisbi oo mucaarad ah iyo ururada bulshada rayidka ah ayaa muujiyay sida ay uga soo horjeedaan muddo kordhinta xilliga ku meel gaarka ah ee Koonfurta Suudaan iyo in dib loo dhigo doorashada laba sano oo kale.

Jordan

Xukuumadda cusub ee dalka Jordan oo uu madax ka yahay Jacfar Xasan, ayaa maanta oo Arbaca ah la dhaariyay.

Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in tirada dadka ku dhintay qaraxyadii ka dhashay qalbka loo adeegsado isgaarsiinta ay gaartay 12 qof oo ay ku jiraan labo carruur ah.

Afghanistan

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isugu imaanaya kulan xog-wareysi ah oo ku saabsan Afghanistan. Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud iyo madaxa howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Afghanistan ayaa la filayaa inuu warbixin kooban ka bixiyo xaaladda dalkaas.

Jordan

Dalka Jordan waxa uu martigelinaya shir ay isugu imaanayaan guddi wasiirro ah oo ka socda dalalka Carabta iyo Islaamka oo loo xilsaaray ka shaqaynta sidii loo joojin lahaa dagaalka Gaza

Falastiin

Ciidamada Israel waxay duqeyn cirka ah iyo weeraro dhulka ah ku dileen tan iyo markii uu billaawday dagaalka Gaza in ka badan 41 kun iyo 252 qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 95 kun iyo 497 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 705 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,700 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad ka badan 10 kun iyo 200 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Tirada askarta Israel looga dilay dagaalka ayaa gaartay 709, halka dhaawacana lagu sheegay 4,448, askari.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here