Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
TÜRKIYE
Ankara – Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa la kulmi doona dhiggiisa Jarmalka Frank-Walter Steinmeier si ay uga wada hadlaan xiriirka labada dal iyo arrimaha gobolka, oo ay ka mid tahay xaaladda Marinka Gaza, iyo dagaalka Ruushka iyo Ukraine
Labada Madaxweyne ayaa kulanka kadib lagu wadaa in ay warbaahinta u sheegaan arrimaha ay isla meel dhigeen.
GERMANY
Berlin- Hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa dalkiisa kusoo dhaweyn doona Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Rishi Sunak , iyaga oo isla eegi doona xiriirka laba geesoodka ah, arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.
WAQOOYIGA MACEDONIA
Skopje – Dadweynaha Waqooyiga Macedonia ayaa u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweynaha hoggaamin doona shanta sano ee socota.
Wareega labaad ayaa la aadi doona 8-da May haddii lagu kala bixiyo wareega koowaad.
KOONFUR AFRIKA
Johannesburg – Madaxweyne ku xigeenka Koonfur Afrika, Shipokosa Paulus Mashatile ayaa booqasho sadeex maalin ah ku bixinaya dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.
Madaxweyne ku xigeenka Koonfur Afrika ayaa kala hadli doona madaxda Imaaraadka Carabta xoojinta xiriirka labada dal.
KENYA
Nairobi – Laba bilood oo shaqo joojin ah oo ay dhaqaatiirta Kenya ku jireen ayaa la filayaa in la soo af-jaro kadib markii ay dowladdu ogolaatay 18 ka mid ah 19-ki qodob ee ay dhaqaatiirtu hore u dalbadeen.
MAURITIUS
Port Louis – Roobab mahiigaan ah iyo daadad xoogan ayaa ku qasbay dowladda Mauritius in ay albaabada isagu laabto goobaha waxbarashada, ganacsiga iyo qaar ka mid ah xafiisyada dowladda.
Azerbaijan
Baku – Madaxweynaha Kyrgyzstan Sadyr Japarov ayaa booqasho rasmi ah oo laba maalmood ah ku tagaya Azerbaijan.
Ugu yaraan 10 heshiis ayaa la filayaa in lay kala saxiixdaan labada dal kadib marka ay labada madaxweyne wada yeeshaan kulan lagu lafa guraayo xoojinta iyo iskaashiga xiriirka laba geesoodka ah.
KAZAKHSTAN
Astana – Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee UK David Cameron ayaa booqasho labo maalin ah ku bixinaya caasimadda Kazakhstan, taas oo qeyb ka ah socdaal uu ku marayo bartamaha Aasiya.
SHIINAHA
Beijing – Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa booqasho rasmi ah oo saddex maalin ah ku tagi doona dalka Shiinaha.
Antony Blinken waxa uu la kulmi doonaa dhiggiisa Wang Yi iyo madax kale oo Shiinaha ah inta uu ku sugan yahay Beijing.
PAKISTAN
Islamabad – Madaxweynaha Iran Ibraahim Raisi ayaa lagu wadaa inuu maanta soo gabagabeeyo booqashadiisa dalka Pakistan ee qaadatay 3-da maalin.
THAILAND
Bangkok – Ra’iisul wasaaraha Bangladesh Sheikh Xasiina ayaa booqasho qaadan doonta shan maalin ku tegi doonta Thailand.
Booqashadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay abid ee Ra’iisul wasaare Bangladesh ah ku tago Thailand tan iyo markii labada dal ay billaabeen xiriirkooda diblomaasiyadeed sannadkii 1972.
Labada dal ayaa lagu wadaa in ay kala saxiixdaan shan heshiis oo isagu jira dhinacyada ganacsiga, dal ku galka iyo dalxiiska.
CIYAARAHA
Liverpool- Everton iyo Liverpool ayaa caawa isaga hor imaan doona darbiga Merseyside, iyaga oo wada ciyaaraya kulan ka tirsan horyaalka Premier League.