Wednesday, September 25, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Turkiga/ Soomaaliya

Hay’adda Sirdoonka Maaliyadda ee Turkiga iyo Xarunta Warbixinadda Maaliyadda Soomaaliya, ayaa Ankara ku kala saxiixday heshiis is faham wada shaqeyn dhex mara hay’addaha sirdoonka maaliyadadeed ee labada dal.

Suudaan

Madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Al-Bashiir ayaa laga soo wareejiyay xasbi ku yaal caasimadda, waxaana la geeyay magaalada Merowe ee waqooyiga dalkaasi si loogu daweeyo, sida uu sheegay qareenkiisa.

Malawi

Malawi ayaa $80 milyan ka heshay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) taasoo loogu talagalay dhismaha xero labaad oo qaxootiga looga dhisayo gobolka waqooyi ee dalkaas.

Mareykanka

Xafiiska ololaha musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee Donald Trump, ayaa sheegay in sirdoonka Mareykanku soo gaarsiiyay digniin iyo halis la xiriirta inay Iran qorsheynayso dilka Trump.

Masar

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ansixisay heshiis boqollaal gantaal looga iibinayo dalka Masar, iyada oo qiimaha gantaalahaas lagu sheegay 740 milyan oo dollarka Mareykanka ah.

Qatar

Dowladda Qatar ayaa ku biirtay dowladaha aan muwaadiniintooda looga baahnayn dal-ku-galka Mareykanka, iyadoo noqotay waddankii ugu horreeyay ee Carbeed ee laga dhaafo shuruudaha fiisaha.

UN

Golaha Ammaanka ayaa yeelanaya kulan degdeg ah oo looga hadlayo dagaalka u dhaxeeya Isarel iyo kooxda Xisbullaah, kaddib markii laba maalmood oo xiriir ah ay Israel duqeymo ka geysatay dalkaas oo ay ku dhinteen boqolaal qof.

Tan iyo Isniintii, weerarrada Israel waxay sababeen dhimashada 558, oo ay ku jiraan 50 carruur ah iyo 94 haween ah, iyada oo ay dhaawacmeen 1,835 qof, waxaana barakacay in ka badan 27,000.

Congo

Xisbiyada mucaaradka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa la filayaa in ay dibadbaxyo ka dhigaan caasimadda Kinshasa, iyaga oo dalbanaya in la sii daayo dadka loo xiray arrimo siyaasadeed.

UN

Madaxweynayaasha dalalka Afrika ee Seychelles, Ghana, Botswana, Senegal, Togo, iyo Cabo Verde ayaa khudbad ka jeediya maanta kalfadhiga 79-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay oo maalintii labaad ka socda New York.

Pakistan

Pakistan iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF ayaa ka wada hadlaya sidii $7 bilyan oo dheeri ah loo siin lahaa dalkaas.

Falastiin

Ciidamada Israel waxay duqeyn cirka ah iyo weeraro dhulka ah ku dileen tan iyo markii uu billaawday dagaalka Gaza in ka badan 41 kun iyo 455 qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 95 kun iyo 878 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 716 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,700 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad ka badan 10 kun iyo 200 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Tirada askarta Israel looga dilay dagaalka ayaa gaartay 716 , halka dhaawacana lagu sheegay 4,471, askari.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here