Thursday, September 26, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqisho

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee magacaabidda Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kaas oo loo magacaabay Generaal Asad Cismaan Cabdullaahi.

Mareykanka

Kalfadhiga 79-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ayaa galay maalintii seddexaad, waxaana maanta khubado ka jeedinaya  madax  badan oo ay ka mid yihiin madaxda dalalka Yemen,  Falastiin  iyo Kuwait.

Ruushka

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa magaalada Moscow kulan kula yeelanaya  madaxweynaha Equatorial Guinea Teodoro Obiang Nguema Mbasogo. Labada dhinac ayaa ka wadahadli doona horumarinta xiriirka laba geesoodka ah oo dhinacyo kala duwan leh.

UN

Madaxweynayaasha dalalka Afrika ee Kenya, Malawi, iyo Koonfurta Suudaan ayaa khudbad ka jeedinaya maanta kalfadhiga 79-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay oo maalintii 3aad ka socda New York.

Shiinaha

Shiinaha ayaa la filayaa in uu faah faahin ka bixiyo gantaalaha ballistic-ga ee qaaradaha isaga gudba ee uu arbacadii ku tijaabiyay badweynta Baasifigga.

Turkiga

Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa shaaca ka qaaday in ay qorsheyneyso isla markaana ay isku diyaarineyso in muwaadiniinta Turkiga kasoo daad gureeyso dalka Lubnaan.

Lubnaan

Tan iyo Isniintii, weerarrada Israel waxay sababeen dhimashada 640, oo ay ku jiraan 50 carruur ah iyo 94 haween ah, iyada oo ay dhaawacmeen 2,505  qof, waxaana barakacay in ka badan 390 kun .

Falastiin

Ciidamada Israel waxay duqeyn cirka ah iyo weeraro dhulka ah ku dileen tan iyo markii uu billaawday dagaalka Gaza in ka badan 41 kun iyo 495 qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 96 kun iyo 6 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 718 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,700 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad ka badan 10 kun iyo 200 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Tirada askarta Israel looga dilay dagaalka ayaa gaartay 716 , halka dhaawacana lagu sheegay 4,472, askari.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here