Saturday, September 28, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta kulan yeeshay ayaa ansixiyay Hindise sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka, waxaana ogolaatay 137-Xildhibaan, 2 Xildhibaannna waa ay ka aamuseen.

Lubnaan

Xisbullah ayaa xaqiijiyay geerida hogaamiyihii ururka Xasan Nasrallah oo lagu dilay weerar cirka ah oo Israel ay ka geysatay Beirut fiidnimadii Jimcaha.

Tan iyo Isniintii, weerarrada Israel waxay sababeen dhimashada 783, oo u badan haween iyo carruurr, waxaana dhaawac soo gaaray in ka badan 2312 qof.

Japan

Dowlada Japan ayaa diyaarado usoo dirtay dalka Lubnaan, si ay u daadgureeyaan muwaadinteeda ku sugan dalkaas.

Mali

Laamaha amniga ee dalka Mali ayaa xiray afar shaqaale oo ka tirsan shirkadda qaabilsa qodista macdanta ee Barrick Gold ee laga leeyahay Canada, kadib markii lagu eedeyay dambiyo la xiriira is daba marin maaliyadeed.

Koonfur Afrika

17-qof ayaa lagu dilay toogasho wadareed ka dhacday labo guri oo ku yaalla tuulo ka tirsan gobolka Eastern Cape ee dalka Koonfur Afrika. Booliiska ayaa Sabtidii sheegay inay billaabeen baadi-goobka dadkii ka dambeeyay falkaas dilka ah.

Itoobiya

Saddex qof oo rayid ah ayaa lagu dilay degmooyinka Begi iyo Kondala ee galbeedka Wollega ee gobolka Oromia, iyadoo dilkooda lagu eedeeyay ciidamada dowladda. Dilkan ayaa dhacay xili uu socday iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamada dowlada iyo kooxaha hubeysan, gaar ahaan jabhadda Oromada ee OLA.

Falastiin

Ciidamada Israel waxay duqeyn cirka ah iyo weeraro dhulka ah ku dileen tan iyo markii uu billaawday dagaalka Gaza in ka badan 41 kun iyo 534 qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 96 kun iyo 92 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 718 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,700 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad ka badan 10 kun iyo 200 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Tirada askarta Israel looga dilay dagaalka ayaa gaartay 716 , halka dhaawacana lagu sheegay 4,472, askari.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here