Sunday, September 29, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Shirka sannadlaha ah ee Midowga Bangiyada Soomaaliyeed oo diiradda lagu saarayo maalgashig, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo talooyinka ku aaddan dib u habaynta nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Jabuuti

Jabuuti ayaa si adag u beenisay wararka la isla dhex marayey maalmihii lasoo dhaafay ee sheegayay inuu geeriyooday Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Kenya

Waxaa la xaqiijiyay in saddex qof ay ku dhinteen shil ka dhacay ismaamulka Elgeyo Marakwet ee Kenya. Saddex qof ayaa isla goobta ku dhintay kuwaas oo saarnaa mooto ka dib markii ay isku dhaceen gaari booyad ah oo siday biyo.

Austria

Shacabka Austria ayaa maanta u dareeray goobaha cod bixinta si ay u doortaan baarlamaan cusub. Xisbiga midigta fog ee Freedom Party ayaa la filayaa in uu ku soo baxo kaalinta koowaad , marka loo eego ra’yi ururintii ugu dambeysay.

Koonfur Afrika

Booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa bilaabay baadigoobka dad looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen toogasho wadareed ay ku nafwaayeen 17 qof. Ilaa hadda ma cadda sababta keentay in dadka la laayo, balse dhacdooyinkan oo kale ayaa noqday kuwo ku badan dalkaas.

Nepal

Ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhintay tobanaan kalena waa la la’yahay ka dib markii daadad ay ku dhufteen magaalooyiin badan badan oo ka tirsan dalka Nepal.

Falastiin

Ciidamada Israel waxay duqeyn cirka ah iyo weeraro dhulka ah ku dileen tan iyo markii uu billaawday dagaalka Gaza in ka badan 41 kun iyo 586 qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 96 kun iyo 210 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 719 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,700 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad ka badan 10 kun iyo 200 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Tirada askarta Israel looga dilay dagaalka ayaa gaartay 716 , halka dhaawacana lagu sheegay 4,476, askari.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here