Monday, September 30, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta soo xiray Shirka Sanadlaha ah ee Midowga Bangiyada dalka oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho.

Hargeysa

Xildhibaan Maxamed Abiib oo ku dhawaad bil ku jiray xabsi ayaa maanta dib u helay xorriyaddiisa.
Sii dayntiisa ayaa timid kadib markii Maxkamadda Sare ee Somaliland ku tilmaamtay xarigiisa sharci darro

Kismayo

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa magacaabay Garsoorayaasha iyo Xeer-Ilaaliyayaasha Maxkamadda Racfaanka iyo Maxkamadaha Degmooyinka Gobolka Gedo.

Tuunis

12 mayd ah oo ay ku jiraan 3 caruur ah ayaa laga soo saaray badda Tuunis kadib markii doon ay la socdeen la degtay . 25 kale oo tahriibatyaal ah ayaa lasoo badbaadiyay.

Faransa

Hogaamiyaha xisbiga midigta fog ee Faransiisa Marine Le Pen iyo saraakiil kale oo ka tirsan xisbigeeda National Rally ayaa maxkamad la soo taagi doona iyada oo loo haysto eedeymo la xiriira lacago loo isticamaalay hab baal marsan nidaamka doorashooyiinka.

UN

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inuu u codeeyo qaraar qabyo ah oo ogolaanaya in ciidamada ka socda dalalka kala duwan ee ku sugan Haiti in loogu daro muddo hal sano ah.

Ghana

Ururada shaqaalaha iyo kuwa bulshada rayidka ayaa lagu wadaa in ay mudaharaad ka dhigaan dalka Ghana ka dib markii la xiray dad kasoo horjeeday qodista macdinta sharci darrada ah

UNESCO

UNESCO iyo Midowga Afrika ayaa qaban qaabinaya madal caalami ah oo socon doonta muddo laba maalmood ah si looga wada hadlo isbeddelka aqoonta mustaqbalka Afrika. Madaxweynaha Itoobiya Sahle-Work Zewde ayaa la filayaa in ay ka soo qeyb gasho madasha.

Itoobiya

Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Suudaan Tom Perriello ayaa lagu wadaa inuu booqdo Nairobi iyo Addis Ababa , si uu u sii wado dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu xallinayo colaadda Suudaan ula yeesho madaxda Itoobiya, Kenya, Midowga Afrika iyo IGAD.

Lubnaan

Tan iyo 23kii Sebtembar, waxaa weerarada Israel ee Lubnaan ku dhintay 916 qof, oo ay ku jiraan carruur iyo haween, iyada oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 2,709 qof.

Falastiin

Ciidamada Israel waxay duqeyn cirka ah iyo weeraro dhulka ah ku dileen tan iyo markii uu billaawday dagaalka Gaza in ka badan 41 kun iyo 595 qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 96 kun iyo 251 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 719 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,700 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad ka badan 10 kun iyo 200 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Tirada askarta Israel looga dilay dagaalka ayaa gaartay 716 , halka dhaawacana lagu sheegay 4,476, askari.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here