Wednesday, October 2, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho ka fumray Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, iyada oo ay goob joog ka yihiin Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir marka laga reebo Puntland.

Sida qoraal kasoo baxay Villa Somaliya lagu sheegay, Shirkan waxaa diiradda lagu saarayaa xaaladda amniga dalka, gaar ahaan sidii loo dardargelin lahaa dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, dhameystirka hanaanka dimuqraadiyeynta, iyo fulinta heshiisyadii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran.

Puntland

General Michael Langley, oo ah Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa walaac ka muujiyay sida ay u korortay awoodda ururka Daacish ee ku sugan Soomaaliya.

Itoobiya

Ciidamada Difaaca Itoobiya iyo kuwa dowlad deegaanka Amxaarada ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada lagu soo celinayo xasiloonida iyo kala dambaynta, iyada oo 14ki bilood ee lasoo dhaafay ay colaadi ka jirtay gobolka Amxaarada.

Kenya

Xildhibaanada Kenya ayaa Talaadadii bilaabay qorshaha xilka looga xayuubinayo madaxweyne ku xigeenka Rigathi Gachagua, taas oo muujineysa khilaaf ba’an oo ka dhex jira xisbiga talada haya.

Itoobiya

Laba qof ayaa lagu dilay, kow iyo toban qofna waa lagu dhaawacay weerar lagu qaaday dad banaan bax ka dhigayay gobolka Amxaarada.

Maldives

Maldives ayaa si rasmi ah u codsatay inay ku biirto dacwada loo gudbiyay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ee la xiriirta xasuuqa ay Israel ka gaysatay marinka Gaza.

Nigeria

Ugu yaraan 150 qof ayaa la la’yahay ka dib markii ay doontii ay la socdeen kula degtay xeebaha waqooyiga Nigeria, sida laga soo xigtay ciidamada dalkaas.

Nepal

Tobaneeyo qof ayaa wali lagu la’yahay dalka Nepal sababo la xiriira roobab mahiigaan ah iyo daadad ku dhuftay dalkaas, iyada oo ay dhinteen ugu yaraan 217 qof. Hawlgallada goobidda iyo samatabbixinta ayaa sii socda.

Sri Lanka

Wafdi ka socda Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa gaaray Sri Lanka si ay wadahadal ula yeeshaan Madaxweynaha cusub ee Anura Kumara Dissanayake.

Qatar

Warbaahinta Qatar ayaa sheegtay in madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian uu booqasho rasmi ah ku tegay Doha.

Lubnaan

Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in la dilay 8 sarkaal oo ka tirsan ciidamada kumaandooska Israel intii uu socday iska horimaad ay la galeen Ururka Xisbullah.

Falastiin

Dagaalka Gaza ayaa galay maalintii 362-aad, iyada oo ay ciidamada Israel ku dileen in ka badan 41,638 halka dhaawacyadu ay gaareen 96,460.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 721 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 6,200 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad ka badan 11 kun iyo 200 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Tirada askarta Israel looga dilay dagaalka ayaa gaartay 716 , halka dhaawacana lagu sheegay 4,481, askari.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here