Sunday, October 6, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Kenya

Madaxweyne ku xigeenka Kenya Rigathi Gachagua oo wajahaya mooshin xilka looga qaadayo ayaa ka codsaday madaxweyne William Ruto, xildhibaanada Baarlamaanka iyo shacabka inay ka cafiyaan haddii ay jiraan xadgudubyo uu sameeyay.

Pakistan

Xisbiga ugu weyn mucaaradka Pakistan ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaarihii hore ee Imran Khan, oo xabsiga ku jira ayaa sii wada mudaaharaadyo waawayn oo lagu dalbanayo in hogaamiyahooda la sii daayo.

Kuuriyada Koonfureed

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Yoon Suk Yeol ayaa booqasho rasmi ah oo laba maalmood qaadan doonta ku tegay maanta dalka Filibiin. Yoon ayaa la kulmi doona madaxweynaha Philippine Ferdinand Marcos Jr. si ay uga wadahadlaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah, ee 75 sano jirsaday.

Kazakhstan

Kazakhstan waxay afti dadwayne u qaadi doonta dhismaha warshaddii ugu horreysay ee tamarta Nukliyeerka oo dalkaas uu yeesho.

Nigeria

Nigeria ayaa isku diyaarinaysa inay muwaadiniinteeda kala soo baxdo Lubnaan, kadib markii ay sii xumaatay xaaladda Bariga Dhexe. Dad badan oo Afrikaan ah ayaa ku nool Lubnaan kuwaas oo wax ka barta ama ka shaqeeya.

Uganda

Safiirka Mareykanka ee Uganda ayaa laga yaabaa in la eryo haddii uusan raali gelin siinin madaxweyne Yoweri Musenevi, sida uu ka digay taliyaha ciidamada dalkaas, Muhoozi Kainerugaba. Safiirka waxaa lagu eedeeyay in uu ixtiraami waayay Madaxweynaha, isla markaana uu ku xadgudbay Dastuurka dalka.

Tunisia

Tunisia waxaa maanta oo Axad ah loo dareeray doorashada madaxtinimada iyadoo uusan jirin mucaarad xooggan oo ka soo horjeeda madaxweynaha talada haya Qays Saciid oo la saadaalinayo inuu markale si fudud ugu guuleysan karo doorashada.

Congo

Congo ayaa diiday inay saxiixdo heshiis lagu joojinayo colaadda kala dhexeysa kooxda hubeysan ee M23, sida uu sheegay Wasiirka arrimaha dibadda Rwanda Olivier Nduhungirehe.

Falastiin

Dagaalka ِka socda marinka Gaza muddo hal sano ah, waxay ciidamada Israel ku dileen in ka badan 41,825 halka dhaawacyadu ay gaareen 96,910.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 742 qof oo ay ku jiraan 163 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 6,200 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad ka badan 11 kun iyo 200 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Tirada askarta Israel looga dilay dagaalka ayaa gaartay 716 , halka dhaawacana lagu sheegay 4,481, askari.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here