Monday, October 7, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu ho
hoggaminayo ayaa u ambabaxay wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaasi.

Safarka Madoobe ayaa daba socda booqasho uu Guddoomiyaha Aqalka Sare ku tegay Imaaraadka Carabta dhamaaka bishii hore.

Muqdisho

Golaha Shacabka ayaa ansixiyay Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Ayniga Dhir- Beereedka iyo Hindise-Sharciyeedka Badbaadada Dhir-Beereedka iyo Takoorka, waxaana ogolaatay 143-Xildhibaan mana jirin xildhibaan diiday iyo mid ka aamusay.

Nairobi

Shir ku saabsan sidii bulshada Soomaaliyeed loo fahamsiin lahaa xaaladaha ka digista qataraha ee ay sababan fatahaadaha iyo abaraha ayaa ka furmay magaalada Nairobi ee Kenya.

Kenya

Maxkamadda sare ee Kenya ayaa markii labaad diiday inay bixiso amarro xildhibaanada golaha shacabka looga hor istaagayo inay ka doodaan qorshaha xilka looga xayuubinayo madaxweyne ku xigeenka dalkaas, Rigathi Gachagua.

Falastiin

Muddo halsano ah ayaa laga joogaa marki uu billaawday dagaalka Gaza oo ay ku nafwaayeen in ka badan 41, 870, iyada oo dhaawac soo gaaray ku dhawaad 97 kun oo qof kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Haiti

Ra’iisul wasaaraha Haiti Garry Conille ayaa booqasho ku tagaya Kenya si uu wadahadal ula yeesho madaxweyne William Ruto, maalmo kadib markii koox hubeysan ay dalkaas ku dishay 0 qof. Saraakiil ka tirsan booliiska Kenya ayaa la geeyay Haiti si ay qeyb uga noqdaan howlgalka Taageerada Amniga ee Caalamiga ah.

Nigeria

Qaramada Midoobay ayaa qorsheyneysa inay Nigeria ugu deeqdo dawo iyo agab kale oo gargaar ah si wax looga qabto cudurka daacuunka ah ee ka dillaacay gobolka Borno ee waqooyi bari ee dalkaas.

Tuunis

Natiijada hordhaca ah ee doorashadii ka dhacday Tuunis ayaa muujinyesa inuu ku guuleystay Madaxweynaha talada haya ee Qays Saciid. Ku dhawaad 90% ayuu helay codadkii la dhiibtay maalintii Axadda.

Turkiga

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa kala hadlay dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin oo 72 sano jirsaday xiriirka labada dal, arrimaha gobolka iyo caalamka, kadib markii ay kuwada xiriireen qadka telefoonka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here