Friday, October 18, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safar shaqo ugu amba baxay dalka Eritrea oo ay tababar u joogaan ciidamo badan oo Soomaali ah. Waa markii afaraad ee uu Xasan Sheekh booqasho ku tago sanadkan Asmara.

Kenya

Aqalka Sare ee Kenya ayaa toddobaadka dambe yeelanaya kal-fadhi ku saabsan xil ka qaadistii madaxweyne ku xigeenka kadib markii uu waayay kalsoonida Aqalka Hoose ee dalkaas.

Itoobiya

Itoobiya ayaa ku kordhisay qiimaha shidaalka iyada oo lagu daray sideed Birr litirkiiba. Waa qiima kordhintii ugu ballaarneed ee la sameeyo sanadihii u dambeeyay. Laga bilaabo 08 October, 2024, shidaalka waxaa laga dhigay 91 Birr litirkii, halka naaftada la gaarsiiyay 90 birr, taasoo ka tarjumaysa koror dhan 10.3% iyo 7.8%

UN

Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa dooranaya xubnaha cusub ee Golaha Xuquuqul Insaanka. Thailand, Koonfur Kuuriya, iyo Sacuudi Carabia ayaa ka mid ah lixda dowladood ee ka socda Aasiya iyo Baasifigga.

Croatia

Croatia ayaa martigelineysa shir madaxeed ay leeyihiin hogaamiyayaasha koonfur bari Yurub iyo Ukraine, waxaana ka qeyb galaya madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy iyo Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan.

Mozambique

Muwaadiniinta Mozambique ayaa u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweyne cusub, xubnaha baarlamaanka iyo wakiillada gobollada. Madaxweynaha hadda talada haya Filipe Nyusi ayaan tartami doonin maadaama ay u dhamaadeen labadiisi xilli ee uu sharciga u ogolaa.

Uganda

Dadka Uganda waxa u dabaaldegyaan sannad guuradii 62-aad ee kasoo wareegtay markii ay xornimada qaateen.

Bolivia

Bolivia ayaa ku biirtay dacwadda ka dhanka ah Israel ee loogu haysto inay xasuuq ka gaysatay Gaza, taas oo ay Koonfur Afrika u gudbisay Maxkamadda Caddaaladda adduunka.

Mali

Wafdi ka socda baarlamaanka Turkiga ayaa gaaray Mali, iyaga oo xiriirka labada dal kala hadlay madaxweynaha KMG ah ee Mali, Colonel Assimi Goita.

Mareykanka

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa dib loo dhigay booqashadii uu ku tagi lahaa Jarmalka iyo Angola, si uu ula socdo duufaanta Milton.

Falastiin

Duullaanka Israel ee Gaza waxaa ku dhintay tan iyo markii uu dagaalka billaawday dad lagu qiyaasay 41,965, halka dhaawac kor u dhaafay 97 kun, iyada oo ay jirto xaalad bini aadanimo oo aad u daran .

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here