Friday, October 18, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac iyo Marina Walter oo ah Ku-Xigeenka Agaasin Goboleedka dalalka Carabta ee Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay ayaa kawada hadlay dhinacyada dawlad-dhiska, horumarinta arrimaha bulshada, soo kabashada dhaqaalaha, amniga, xasilinta degaannada la xoreeyey iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Hargeysa

Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa shaaciyey jadwalka ololaha doorashada madaxtooyada iyo xisbiyada , kaas oo bilaabanaya 19-ka October 2024 isla markaana socon doona illaa 10-ka November 2024.

Eritrea

Caasimadda Eritrea ee Asmara, waxa kulan seddex geesood ah ku leh madaxda Soomaaliya, Masar iyo Eritrea. Waxaa laga wada xaajoonaya xaaladda Geeska Afrika iyo xasilloonida marin-biyoodka Badda Cas

Africa

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Benin, Gambia, Kenya iyo Ethiopia ayaa ka mid noqday 15 dal oo loo doortay inay xubin ka noqdaan Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay.

Lubnaan

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in ay ka shiraan xaaladda dalka Lubnaan oo ay ciidamada Israel ka wadaan weerar ay ku dhinteen dad badan oo rayid ah.

Mozambique

Natiijada hordhaca ah ee doorashadii Mozambique ka dhacday Arbacdi ayaa la filaya inay soo baxdo. Muwaadiniinta dalkaas ayaa u codeeyay madaxweyne cusub iyo 250 xubnood oo baarlamaanka ka tirsan.

Kenya

Kenya Airways ayaa ku dhawaaqday in ay joojin doonto duulimaadyadii rakaabka ee Muqdisho laga bilaabo 14-ka October 2024, iyadoo sabab uga dhigtay caqabado ku saabsan howlgalka.

Turkiga

Turkiga ayaa 966 qof ka soo daadgureeyay Lubnaan, kuwaas oo isagu jira muwaadiniin Turki ah iyo kuwo kale oo ka soo jeeda Jamhuuriyadda Turkiga ee Waqooyiga Qubrus.

Congo

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa aas wadareed ugu samaysay Waqooyiga Kivu 78 qof oo ku dhintay dooni la qallibsantay.

UN

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in khilaafka kooxaha iska soo horjeeda ee dalkaas uu horseedi doono dhibaato hor leh iyo inay wiiqanto madax-bannaanida dalkaas

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here