Friday, October 18, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Soomaaliya iyo Hay’adda WFP ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan qeybinta agabka iyo cuunnooyinka aasaasiga u ah badbaadinta nolosha bulshooyooinka xoola dhaqatada iyo beeralayda Soomaaliyeed si kor loogu qaado awoodooda la qabsiga cimilada.

Hargeysa

Taiwan iyo Somaliland ayaa qalinka ku duugay heshiis ku kacaya 22 milyan oo dollar kaas oo lagu dhisayo isbitaalka wayn ee Hargeysa.

Jigjiga

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Sooamalida, Mustafe Muxummed Cumar iyo Aadan Faarax Ibraahim Madaxwayne Kuxigeenka Xisbiga Barwaaqo ee ahna Madaxa Xarunta Dhexe ee Xisbiga ayaa booqday dhismaha mashruuca dalxiiska ee Shabeeleey oo meel wanaagsan maraya.

Itoobiya

Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay deegaano ka tirsan ismaamulka Koonfur Galbeed Itoobiya ayaa sababay dhimashada lix qof iyo dhaawaca 8 kale sida laga soo xigtay maamulka deegaanadaas.

Kenya

Barasaabka ismaamulka Tana River, Dhadho Gaddae Godhana iyo xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Galole, Saciid Hiribae ayaa la xiray kadib markii lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen dagaal beeleed ka dhacay deegaano ka mid ah gobolka Tana River, oo aya dad ku dhinteen.

Falastiin

Dowladda Nicaragua ayaa jartay dhammaan xiriirkii diblumaasiyadeed ee ay la lahayd Israel, kadib markii Baarlamaanka dalkaas uu isku raacay qaraar looga soo horjeedo weerarada Israel ay ka fulineyso Gaza.

Suudaan

Hay’adda samafalka caafimaadka ee MSF ayaa sheegtay inay ku qasbanaatay in ay joojiso shaqadii ay ka haysay xerada qaxootiga ee ku taal gobolka Darfur ee dalka Suudaan. Hay’adda ayaa ku eedeysay dhincayada dagaalamaya inay carqalad ku noqdeen sidii loo caawin lahaa dadka dhibaateysan ee ku sugan gobolkaas.

Lubnaan

Guddoomiyaha baarlamaanka Iran Mohammad Bagher ayaa maanta gaaray garoonka caasimadda dalka Lubnaan ee Beirut, halkaas oo uu booqasho hal maalin ah ku joogi doono, ka dibna wuxuu ku wajahan yahay magaalada Geneva.

Cameron

Wasaaradda arrimaha gudaha Cameroon ayaa mamnuucday in laga hadlo wax ku saabsan caafimaadka madaxweyne Paul Biya, oo in mudda ah aan kasoo muuqanin meel fagaaara ah.

Daka qaar ayaa aaminsan in caafimaad darro lasoo daristay madaxweynaha oo 91 sano jir.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here