Monday, September 16, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

UK

London- Dibadbax lagu taageerayo Falastiin ayaa ka dhacaya bartamaha London, waxaana lagu dalabanaya in la joojiyo hubka la siiyo Israel iyo xabbad joojin ka hirgasha Marinka Gaza.

SHIINAHA

Beijing- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Argentina Diana Mondino ayaa booqasho shan maalin ah ku tagaysa Shiinaha kadib markii ay casuumaad ka heshay dhiggeeda  dalkaas Wang Yi.

Labada wasiir ayaa lagu wadaa in ay kawada hadlaan arrima badan oo la xiriira danaha dalalkooda iyo kuwa caalamiga ah.

PAKISTAN

Islamabad – Ra’iisul Wasaaraha Pakistan  Shehbaz Sharif ayay u badan tahay in uu booqasho labo maalmood ah ku tago caasimadda Sacuudiga ee Riyadh si uu uga qeyb galo Madasha Dhaqaalaha Adduunka ee Iskaashiga  Kobaca iyo Tamarta.

KOONFUR AFRIKA

Pretoria – Koonfur Afrika waxaa laga xusaya 30-guuradii ka soo wareegatay markii la soo afjaray xukunkii midab takoorka sannadkii  1994-kii.

NIGERIA

Abuja – Boliiska Nigeria ayaa baadi goob ugu jira raadinta 100 maxabuus oo ka fakatay xabsi ku yaal meel u dhaw caasimadda Abuja.

Bangladesh

 Ra’iisul wasaaraha Bangladesh Sheikh Xasiina  ayaa booqasho dheer ku bixineysa dalka  Thailand.

Booqashadan ayaa ah tii ugu horreysay abid ee Ra’iisul wasaare  Bangladesh ah ku tago Thailand tan iyo markii labada dal ay billaabeen xiriirkooda  diblomaasiyadeed sannadkii 1972.

Labada dal ayaa lagu wadaa in ay kala saxiixdaan shan heshiis oo isagu jira dhinacyada ganacsiga, dal ku galka  iyo dalxiiska.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here