Friday, October 18, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Hamza Abdi Barre, ayaa dhagax dhigay mashruuca dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha ee Stadium Muqdisho, oo ay maalgelinayaan shirkado maxalli ah.

Hargeysa

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah la qaatay qaar kamid ah bulshada maqalkoodu xadidanyahay ee ku dhaqan caasimadda Hargeysa oo ay hoggaaminayeen masuuliyiinta Ururka Dhegoolayaasha Somaliland ee loo soo gaabiyo (SODA).

Kismaayo

Sii hayaha ergeyga gaar ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqasho ku tegay Kismaayo ayaa Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam kala hadlay xaalada guud ee siyaasada dalka, bixitaanka Ciidamada ATMIS iyo qodobo kale.

Comoros

Comoros ayaa ku dhawaaqday inay 12-ka Jannaayo qaban doonto doorashada baarlamaanka dalkaas oo ka kooban 33 kursi, inkasta oo xisbiyada mucaaradka ay sheegeen inay qaadacayaan doorashadaas.

Koonfur Afrika

Todobo qof ayaa lagu dilay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, sida ay booliisku sheegeen maanta. Dilalka nuucaan ah ayaa si isadaba joog ah uga dhacayay dalkas todobaadyadii lasoo dhaafay.

Itoobiya

Heshiiska qaab dhismeedka Iskaashiga dowladaha uu maro wabiga Nile-ka ayaa si rasmi ah u dhaqan galay, maanta oo Axad ah, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha Itoobiya, inkastoo Masar iyo Suudaan ay wali diidan yihiin.

Switzerland

Guddoomiyaha Baarlamaanka Turkiga Numan Kurtulmus ayaa ka qeyb galaya shirka wadatashiga ee Midowga Baarlamaannada Ururka Iskaashiga Islaamka iyo Golaha Baarlamaanka Aasiya oo lagu qabanayo Switzerland.

Lithuania

Dadka Lithuania ayaa maanta u dareeray goobaha cod bixinta si ay u soo doortaan baarlamaan cusub. Ra’yi ururintii ugu dambaysay ayaa muujisay in xisbiga mucaaradka ah ee Social Democrats inuu ku guuleysan karo doorashada.

Falastiin

In ka badan 42,175 qof ayaa ku dhintay dagaalka Gaza tan iyo markii uu billaawday, waxaana ku dhaawacmay 98,336. Burbur baaxad leh, macluul iyo masiibo bini’aadantinimo oo aan hore loo arag, ayaa usii dheer intaas dadka Falastiin.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here