Friday, October 18, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuray Qoraalka Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) 2025-2029, kaas oo diiradda saaraya xoojinta hay’adaha dowladda, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha.

Muqdisho

Koox hubeysan ayaa degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ku dilay laba qof, waxayna dhaawaceen qof kale. Seddexdan qof ayaa ahaa ganacsato, waxaana arintan lala xiriirinaya Kaamirooyin ay ku xireen xarumahooda ganacsi.

Ingiriiska

Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay inuu £7.5 milyan oo dheeri ah ku bixineyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), taasoo ka dhigeysa guud ahaan taageerada dhaqaale ee ATMIS iyo AMISOM £77 milyan, tan iyo 2021.

Kenya

Golaha Aqalka Sare ee Kenya ayaa ka doodaya mooshin xil ka qaadis ah oo ka dhan ah madaxweyne ku xigeenka Rigathi Gachagua kaas oo Aqalka Hoose u codeeyay in xilka laga qaado todobaadkii hore.

Nigeria

Dalka Nigeria, qarax ka dhashay booyad shidaal ayaa sababay dhimashada in ka badan 100 qof, waxaana jira dhaawac soo gaaray dad kale.

Mozambique

Xisbiga haya talada ee dalka Mozambique, ayaa hogaaminaya natiijada hordhaca ah ee doorashadii dalkaas ka dhacday, inkasta oo Mucaaradku sheegay inay jirto ku shubasho iyo wax is daba marin.

Yemen

Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in tirada dadka u dhintay cudurka daacuunka ee Yemen ay gaartay 720 qof tan iyo bishii March ee la soo dhaafay.

Turkiga

15 milyan oo dalxiisayaal ah ayaa booqday tan iyo bilowgii sanadkan, magaalada Antalya, ee dalka Turkiga taas oo caan ku ah soo jiidashada dalxiisayaasha.

Turkiga

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Axmed Aboul Gheit ayaa magaalada Ankara ku yeeshay kulan ay albaabada u xiranyihiin.

UN

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ka yeelanaya xaaladda Bariga Dhexe oo ay ku jirto xaaladda Falastiin.

Mauritania

Madaxweynaha Hindiya Draupadi Murmu ayaa booqasho hal maalin ah ku tageysa magaalada Nouakchott halkaas oo ay wadahadalo kula yeelan doonto dhiggeeda Mauritania Maxamed Ould Sheikh Ghazouani.

Belgium

Dowladaha Khaliijka Carabta iyo Midowga Yurub ayaa shir ku leh magaalada Brussels ee Belgium-ka, iyada oo qodobada laga hadlayo ay ugu muhiimsanyihiin xoojinta xiriirka labada dhinac iyo wax ka qabshada dhibaatada ka jirta caalamiga ah, oo ay ugu weyn tahay xaaladda Falastiin

Falastiin

In ka badan 42,344 qof ayaa ku dhintay dagaalka Gaza tan iyo markii uu billaawday, waxaana ku dhaawacmay 99,013. Burbur baaxad leh, macluul iyo masiibo bini’aadantinimo oo aan hore loo arag, ayaa usii dheer intaas dadka Falastiin.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here