Tuesday, October 22, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Burundi

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira booqashadu uu ku tegayo wadamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Bujumbura, isaga oo kulan la qaatay dhiggiisa Burundi, Evariste Ndayishimiye.

Qorshaha ATMIS kadib ayaa ah mowduuca ugu muhiimsan ee laga wadahadalyo.

Hargeysa

Urur siyaasaddeedka Rejo oo hiigsanaya inuu noqodo Xisbi ayaa maanta kusoo bandhigay magaalooyiinka kala duwan ee Somaliland awoodiisa iyo taageerayaasha uu haysto, iyada oo lagu jiro maalintii labaad ee ololaha doorashada

Awdal

Cabdirahmaan Ducaale Bayle oo xilal dhowra kasoo qabtay dowladda Soomaaliya kana soo jeeda gobolka Awdal ayaa ku biiray xisbiga Waddani ee mucaaradka Somaliland

Wajeer

Maydka qof aan la aqoonsan ayaa laga helay harada Yahud ee ismaamulka Wajeer. Jirdil iyo dhaawacyo culus ayaa ka muuqday jirka Maydka sida laga soo xigtay Boliiska.

Jigjiga

Wajiga labaad ee kulanka ajanda uruurinta komiishanka wadatashaiga Itoobiya ayaa ka furmay magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida. Inkabadan 1000 degmo oo katirsan guud ahan Itoobiya ayaa laga Soo uruuriyay ajandayaasha muhiimka ah ee wadatashiga qaran

Kenya

Guud ahaan dalka Kenya waxaa maanta laga xusaya maalinta qaran ee halyeeyada ee loo yaqaano Mashujaa Day.

Suudaan

Ciidanka dalka Suudaan ayaa soo dhaweeyay taliye kasoo goostay ciidamada RSF ee dagaalka kula jira dowladda kaas oo ay la socdaaan dhowr dagaalamayaal ah.

Indonesia

Prabowo Subianto ayaa loo dhaariyay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee Indonesia, isagoo bedelaya Joko Widodo oo 10 sano xukumayay dalkaas

Moldova

Muwaadiniinta Moldova waxay u codeynayaan doorashada madaxweynaha, iyo aftida loo qaadayo inay ku biiraan Midowga Yurub.

Lubnaan

Ciidamada Lubnaan ayaa ku dhawaaqay, maanta in 3 ka mid ah askartooda lagu dilay duqeyn ay Israel l la beegsatay gaari ay la socdeen oo marayay koonfurta dalkaas.

Falastiin

In ka badan 42,519 qof ayaa ku dhintay dagaalka Gaza tan iyo markii uu billaawday, waxaana ku dhaawacmay 99,636 . Burbur baaxad leh, macluul iyo masiibo bini’aadantinimo oo aan hore loo arag, ayaa usii dheer intaas dadka Falastiin.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here