Tuesday, October 22, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamasa Cabdi Barre ayaa dib usoo celiyay xilkii ra’iisul wasaaraha ku xigeenka labaad ee dalka, isaga oo u magacaabay wasiirkii Howla Guud, Cabdisalaan Cabdi Cali.

Cilmi Maxamuud Nuur oo horay usoo noqday wasiirka maaliyadda ayaa buuxiyay booska uu banneeyay Cabdisalaan Cabdi ee Wasaradda Howlaha Guud.

Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira booqashadu uu ku tegayo wadamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaatay dhiggiisa Jabuuti, Ismaacil Cumar Geelle.

Qorshaha ATMIS kadib ayaa ah mowduuca ugu muhiimsan ee laga wadahadalyo.

Hargeysa

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u daah-furay diyaarado cusub oo Somaliland yeelan doonto kuwaas oo loogu talo galay in lagu tababaro wadayaal dhinaca duulimaadyada ah

Burco

Urur siyaasaddeedka Horseed oo hiigsanaya inuu noqodo Xisbi ayaa maanta kusoo bandhigay magaalooyiinka kala duwan ee Somaliland awoodiisa iyo taageerayaasha uu haysto, iyada oo lagu jiro maalintii seddexaad ee ololaha doorashada.

Itoobiya

Walaac xoogan ayaa laga muujinaya tirada sii kordheysa ee kiisaska duumada, ee gobolka Amxaarada. In ka badan 51,650 xaaladood ayaa gobolka laga diiwaan geliyay todobaad gudihiisa.

Kenya

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa shaaciyay in ganacsatada yaryar iyo kuwa dhexe ee qaybta ka ah mashruuca guriyaha qiimo ahaan la awoodi karo ee ay dowladdu dhisaysa loo qoondeeyay lacag dhan 4.4 bilyan oo shilin.

Tuunis

Qays Saciid ayaa markii labaad loo dhaariyay madaxweynaha Tuunis kadib markii uu ku guuleystay doorashadii dalkaas ka dhacday 6-dii Octobar, taas oo lagu tilmaamay doorasho aan caddaalad ahayn

Jarmalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jarmalka Annalena Baerbock ayaa martigelin doonta dhiggeeda Denmark, Finland, Iceland, Sweden iyo Norway si ay uga wada hadlaan iskaashiga gobolka iyo arrimaha caalamiga ah.

Japan

Japan waxaa cirka isku shareeray ololaha doorashada guud ee la filayo inay ka dhacdo dalkaas 27-ka Octobar.

Mozambique

Taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee Mozambique ayaa la filayaa inay qabtaan mudaaharaad ay uga soo horjeedaan natiijada doorashada oo muujisay inuu ku guuleystay xisbiga talada haya . Laba nin oo mucaarad ah ayaa dabley hubeysan ku toogteen axaddii dalkaas.

Turkiga

Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa xaqiijisay geerida wadaadkii caanka ah ee Fethullah Gulen kaas oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay afgambigii fashilmay ee 2016-kii.

Falastiin

In ka badan 42,603 qof ayaa ku dhintay dagaalka Gaza tan iyo markii uu billaawday, waxaana ku dhaawacmay 99,795 . Burbur baaxad leh, macluul iyo masiibo bini’aadantinimo oo aan hore loo arag, ayaa usii dheer intaas dadka Falastiin.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here