Wednesday, October 23, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Taageerada Hawlgallada, Atul Khare, kala hadlay xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Hargeysa

Xisbiga UCID oo doonaya inuu markii ugu horeysay hoggaamiyo Somaliland ayaa maanta soo bandhigay awoodiisa iyo taageerayaasha uu haysto, iyada oo lagu jiro maalintii shanaad ee ololaha doorashada.

Muqdisho

Golaha Shacabka ayaa ansixiyay Heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaalanka dembiyada abaabulan ee isaga kala gudba Qaramada iyo baratakooladiisa,waxaana ogolaatay 138-Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday sedax Xildhibaanna waa ay ka aamuseen.

Jabuuti

Boliiska Jabuuti ayaa sheegay in lasoo xiray haweney lagu eedeeyay inay lacago badan ka aruursatay rag badan oo ay kula heshiisay guur kadibna ay ka dhuumatay.

Jigjiga

Madasha ururinta ajandeyaasha wadatashiga qaran ee Deegaanka Soomaalida ayaa lagusoo gabogabeeyay magaalada Jigjiga. Ajandayaasha lasoo ururiyay ayaa lagu wareejiyay Komishinka Wadatashiga Itoobiya.

Wajeer

Ururka qareennada Kenya ayaa hay’adaha ammaanka ugu baaqay inay dardargeliyaan baaritaannada ku aaddan afduubki iyo dilkii loo gaystay wakiilka deegaanka Deella ee ismaamulka Wajeer Yuusuf Xuseen Axmad.

Kenya

Shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ayaa u dabbaal dagaysa maanta sannad guuradii 24aad ee kasoo wareegtay markii dhidibada loo taagay. Shirkaddu waxay ku faaneysa inay ka qaybqaadatay isku xirka dadwaynaha iyo kobaca dhaqaalaha Kenya

Turkiga

Weerar isagu jira qarax iyo rasaas ah ayaa lagu qaaday xarumaha Warshadaha Hawada Turkiga (TAI) ee caasimadda Turkiga, ee Ankara. Dhimasho iyo dhaawac ayaa jira sida uu bartiisa X ku sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha dalkaas.

Nigeria

Xukuumadda Nigeria, waxay ansixisay in lacag dayn ah oo dhan 618 Milyan oo doollar lagu soo iibiyo lix Diyaaradood oo noocoodu yahay M-346 kuwaas oo lagu sameeyay Talyaaniga.

Ivory Coast/ Turkiga

Turkiga iyo Ivory Coast ayaa magaalada Istanbul ku kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka tababarka ciidamada ah.

Hungary

Hungary waxaa looga dabaal degaya xuska kacaankii dalkaas ka dhacay 1956-kii ee looga soo horjeeday taliskii Shuuciga ahaa iyo aasaasidda jamhuuriyadda cusub. Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa sida caadiga ah khudbad ka jeediya xuska munaasabaddan.

Ruushka

Magaalada Kazan ee dalka Ruushka waxaa maalinti labaad ka socda shir madaxeedka ururka BRICS iyo dowlado kale oo la casuumay. Shir madaxeedka ayaa la soo gabagabeyn doonaa Khamiista.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here