Monday, September 16, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

FALASTIIN

Magaalada Gaza – Weerarada Israel ee marinka Gaza ayaa galay maalintii 205-aad, iyada oo lagu guul darreystay inuu dhaqan galo qaraaarkii Golaha Ammaanka ee ku baaqay xabbad joojin deg-deg ah.

Tan iyo bishii October ee la soo dhaafay, weerarada Israel waxaa ku dhintay ku dhawaad 34,400 oo qof waxaana ku dhaawacmay in ka badan 77,400 iyada oo sidoo kale curyaamisay gargaarkii la gayn lahaa marinka Gaza taas oo keentay in badi dadka ay qarka u saaran yihiin inay u dhintaan gaajo.

Israel ayaa duqeymo cirka ah la beegsaneysa dhowr goobood oo ka tirsan Marinka Gaza, oo ay ku jirto magaalada Rafax oo ay qorsheyneyso in ku weerar dhulka ah ku qaado dhawaan.

Waxaa soo badanaya digniinaha caalamiga ah ee ku saabsan cawaaqib xumada ka dhalan karta weerarka magaalada Rafax oo ay gabbaad ka dhigteen dad lagu qiyaasayo 1.4 milyan oo qof oo barakacayaal ah.

Ramallah – Dhanka kale, waxaa sii kordhaya howlgallada ay Israel ka fulineyso Daanta Galbeed tan iyo 7-dii October, iyada oo howlgalladaas ay ku dhinteen 491 Falastiiniyiin ah, laguna dhaawacay ku dhawaad 4,900, waxaana xabsiyada loo taxaabay dad gaaraya 8,480, sida laga soo xigtay ilo Falastiiniyiin ah.

ISRAEL

Tel Aviv – Mudaaharaadyada lagu doonayo in la is-dhaafsado maxaabiista ayaa wali ka socda magaalooyinka Israel, waxayna dadweynuhu sidoo kale dalbanayaan in ay is casisho xukuumadda uu hoggaamiyo Netanyahu.

Xamaas ayaa Sabtidii sheegtay inay heshay jawaabta rasmiga ah ee Israel taas oo ku saabsan is-dhaafsiga dadka ay kala haystaan labada dhinac iyo jawaabta soo jeedinta xabbad joojintii ay u dirtay dhexdhexaadiyeyaasha Masar iyo Qatar.

Xamaas ayaa sheegtay in ay jawaabteeda soo gudbin doonto ka dib markii ay si qota dheer uga fiirsato jawaabta Israel.

LEBANON

Beirut – Waxaa sii socda weerarada dhanka xudduudaha ah ee u dhexeeya Xisbullaahi iyo Israel, ee bilaawday bishii October ee la soo dhaafay, waana isku dhacyadii ugu dhimashada badnaa ee labada dhinac dhex mara tan iyo dagaalkii tooska ahaa ee 2006-dii.

Barakac cusub ayaa ka bilaawday magaalooyinka koonfurta Lubnaan, oo ay ku jirto Shebaa, halkaas oo dadkii deganaa lagu qasbay inay ka cararaan sababo la xiriira isku dhacyada u dhexeeya kooxda Xisbullaahi iyo ciidamada Israel.

SACUUDI CARABIYA

Riyadh – Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa ka qeyb galaya shirka kooxda xiriirka Gaza, ee hoos tagta ururka iskaashiga Islaamka (OIC) iyo Jaamacadda Carabta si ay ugu shaqeeyaan xabbad-joojin ka dhacda marinka Gaza .

SHIINAHA

Beijing – Wasiirrada arrimaha dibadda ee Peru iyo Bolivia ayaa la filaya in ay booqasho saddex maalin ah ku tagaan daka Shiinaha.

CIYAARAHA

London – Kooxda Arsenal ayaa maanta la ciyaari doonta kooxda Tottenham Hotspur, kulanakan oo qeyb ka ah Premier Legaue loona yaqaano North London derby ayaa kusoo aadaya iyada oo ay Arsenal dadaal xoogan ugu jirto sidii ay ugu guuleysan lahayd horyaalka sanadkan.

Kooxda Arsenal ayaa haysa hogaanka horyaalka Ingariiska, waxayna leedahay 77-dhibcood kadib 34 kulan oo ay ciyaartay, halka kooxda Tottenham ay ku jirto kaalinta shanaad, iyada oo leh 60-dhibcood kadib 32 kulan oo ay ciyaartay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here