Saturday, November 23, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Naafada oo ay horay golaha u horgeysay Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul insaanka. 29 Senator ayaa ogolaaday sharcigan mana jirto cid ka aamustay.

Istanbul

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi Maaliyadeed oo diiradda lagu saarayo iskaashiga difaaca labada dal, sida uu bartiisa X ku sheegay Wasaiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Hargeysa

Xisbiga Kulmiye oo dadaal ugu jira inuu xajisto xukunka Somaliland ayaa maanta kusoo bandhigay fagaarayaasha la isagu soo baxo awoodiisa iyo taageerayaasha uu haysto, iyada oo lagu jiro maalintii tobonaad ee ololaha doorashada.

Jigjiga

13,750 arday oo ka mid ah ardaydii weyday dhibcaha jaamacadaha lagu galo ayaa loo qaatay inay bartaan farsamada gacanta, sida uu sheegay Wasiirka Xafiisa Xirfadaha iyo Shaqo abuurka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Wajeer

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay Koonfurta Wajeer kadib israsaaseyn dhexmartay Ciidamada Ilaalada Duurjoogta iyo Ugaarsato.

Cumaan

Madaxweynaha Aljeeriya ayaa booqashadiisi ugu horeysay ku tegay maanta dalka Cumaan kadib booqashadiisi shalay ee Masar. Waxaa la filaya inuu madaxda dalkaas kala hadlo iskaashiga dhanka ganacsiga, siyaasadda iyo xaaladda bariga dhexe.

Suudaan

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka shiraya xaaladda Suudaan iyo weerarkii ugu dambeeyay ee ay Israel ku qaaday Iran.

Bolivia

Madaxweynihii hore ee Bolivia Evo Morales ayaa sheegay inuu ka badbaaday isku day dil kadib markii rag aan la aqoonsan ay rasaas ku fureen gaarigiisa.

Mozambique

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay dalka Mozambique mudaaharaadyo looga soo horjeeday natiijada doorashadii madaxtinimo ee dhacday 9-kii bishaan October, taasi oo uu ku guuleystay musharaxa xisbiga talada haya ee Daniel Chapo.

Koonfur Afrika

Wasiirka arrimaha dibadda ee Koonfur Afrika Ronald Lamola ayaa caasimadda Pretoria kula kulmi doona dhiggiisa Ukraine Andrii Sybiha. Ajendaha booqashada Sybiha waxaa ka mid ah xoojinta xiriirka labada dal.

Chad

Ugu yaraan 40 askari ayaa lagu dilay weerar khasaara badan gaystay oo lagu qaaday xero ciidan oo ku taal gobolka Lac ee dalka Chad habeenimadii Axadda.

Tuunis

Ilaalada xeebaha Tunisia ayaa meydadka 16 tahriibayaal ah ka soo saaray xeebaha magaalooyinka Maloulech, Salakta iyo Chebba, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay ciidamada.

Mareykanka

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in madaxweyne Joe Biden uu si hormaris ah u codeyn doono maanta doorashada madaxtinimo ee la qorsheeyay inay dhacdo 5-ta November ee soo socota.

England

Kooxda Manchester United ayaa ku dhawaaqday , inay shaqada ka ceyrisay tababarihii reer Holland Erik Ten Hag, sababo la xiriira natiija xumada ay kooxdu kala kulantay tartamada kala duwan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here