Wednesday, October 30, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti, Dileyta Maxamed Dileyta oo booqasho ku jooga Muqdisho. Kulanka waxaa la iskula soo qaaday xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loosii xoojin lahaa dhinacyadiisa kala duwan.

Hargeysa

Olalaha doorashada Somaliland ayaa weli socda, iyada oo ururada iyo xisbiyada siyaasaddu ku loolamayaan sidii ay u heli lahaayeen kalsoonida dadwayna. Urur siyaasadeedka Rejo ayaa lagu wadaa inuu maanta soo gabagabeeyo maalmihii uu xaqa u lahaa in sameeyo ololaha doorashada.

Spain

In ka badan 60 qof ayaa ku dhintay daadad ku dhuftay magaalada Valencia ee dalka Spain, kuwaas oo ka dhashay roobab xooggan oo socday labadii maalmood ee la soo dhaafay. Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka ka tacsiyeysay geerida dadkaas.

Kenya

Maxkamadda sare ee Kenya ayaa ayaa laashay go’aankii maxkamadda racfaanka ee ahaa inay sharci darro ku tilmaantay xeerkii maaliyadda ee sanadkii hore 2023.

Tillaabadan ayaa ka dhigan in Maamulka Ruto uu ku guuleystay kiiska, iyada oo Kenyaanku ay bixin doonaan canshuur dheeraad ah.

Uganda

Ugu yaraan siddeed qof oo uu ku jiro ilmo seddex jir ah ayaa lagu dilay habeenkii Talaadada tuulo 250 kiiloomitir u jirta caasimadda Kampala ee dalka Uganda.

Ghana

Akua Donkor, oo ahayd aasaasihii xisbiga Ghana Freedom Party kana mid ahayd 13-ka musharax ee u taagan xilka madaxtinimada dalkaas ayaa geeriyootay. Doorasahda Ghana ayaa la filaya inay dhacdo 7-da December 2024.

Mozambique

Hoggaamiyaha mucaaradka Mozambique Venancio Mondlane, oo aan la ogeyn halka uu ku suganyahay ayaa ku baaqay shaqo joojin toddobaad ah oo looga soo horjeedo natiijada doorashadii dalkaas ka dhacday.

Turkiga/ Cumaan

Turkiga iyo Saldanada Cumaan ayaa heshiis iskaashi oo dhanka tacliinta sare ah ku kala saxiixday magaalada caasimadda ah ee Ankara.

Mareykanka

Musharaxa xisbiga dimuqraadiga ahna madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa xaflado ku saabsan ololeheeda ku qaban doonta North Carolina, Pennsylvania iyo Wisconsin.

Dhanka kale, Musharaxa xisbiga Jamhuuriga ahna madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa isu soo baxyo ku qaban doona gobolada North Carolina iyo Wisconsin.

Cuba

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa u codeynaya maanta in dalka Cuba laga qaado cunaqabateynta dhaqaale, ganacsi iyo maaliyadeed ee uu Mareykanka kusoo rogay.

Botswana

Botswana, dalka qaniga ku ah dheemanka ee ku yaal Koonfurta Afrika , waxaa ka dhacaya doorashooyin guud, iyadoo madaxweynaha talada haya Mokgweetsi Masisi uu doonayo inuu markiisi ugu dambeeyay ku guuleysto madaxtinimada.

Japan

Xisbiga Liberal Democratic Party ee dalka Japan ayaa ku jira wadahadalladdii ugu dambeeyay ee uu kusoo dhisi lahaa xukuumad kadib markii uu taageero ka helay mid ka mid ah xisbiyada yar-yar.


Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here