Friday, November 8, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyey heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha, kaas oo ku saabsan hirgalinta hindisaha horumarinta Adduunka, iyo heshiis is-afgarad wada shaqayn iyo iskaashi u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Qatar.

Hargeysa

Olalaha doorashada Somaliland ayaa weli socda, iyada oo ururada iyo xisbiyada siyaasaddu ay ku loolamayaan sidii ay u heli lahaayeen kalsoonida dadwayna. Urur siyaasadeedka Horseed ayaa lagu wadaa inuu maanta soo gabagabeeyo maalmihii uu xaqa u lahaa inuu sameeyo ololaha doorashada.

Turkiga/ Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ku wareejisay afar doomood oo loogu tala galay inay qeyb ka noqdaan sugitaanka amniga xeebaha dalka.

Muqdisho

Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weeraradii ay dagaalamayaaha RSF ku qaadeen Gobolka Jaziira ee Suudaan ayna ku dileen dad rayid ah oo isagu jira carruur, haween iyo dad da’ ah.

Kenya

Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF ayaa ansixiyay amaah lacageed oo dhan $606m oo la siinayo dowladda Kenya.

Kenya

Maxkamada sare ee dalka Kenya ayaa laashay amarkii mamnuucayay in la dhaariyo madaxweyne ku xigeenka cusub ee Kithure Kindiki.

Itoobiya

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa baarlamaanka dalkiisa ka horsheegay inaysan qorshaha ugu jirin inay dagaal ku gaaraan badda cas balse ay u mari doonaan hannaaan nabdoon oo macquul ah.

Mozambique

Markii labaad todobaad gudihiis ayay xukuumadda Mozambique xannibtay adeegsiga baraha bulshada iyada oo laga baqaayo inay sii xoogeystaan bannaanbaxyada looga soo horjeedo natiijada doorashadii madaxtinimada ee dalkaas ka dhacday.

Spain

Spain waxay ku dadaaleysa sidii ay u samata bixin leheed dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay daadadka ku dhuftay magaalada Valencia. Dhimashada ayaa kor u dhaafatay 70 qof, waxaana laga cabsi qabaa inay sii kororto.

Libya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codayn doona qaraar qabyo ah oo muddada loogu kordhinayo howlgalka Qaramada Midoobay ee Taageerada Liibiya (UNSMIL) muddo saddex bilood ah.

Botswana

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Botswana ayaa la filayaa inay ku dhawaaqaan natiijada hordhaca ah ee doorashooyinka madaxweynaha iyo baarlamaanka. Afar musharax ayaa ku tartamaya xilka ugu sarreeya oo uu ku jiro Mokgweetsi Eric Masisi oo hadda xilka haya.

Burundi

Burundi waxay martigelinaysa shir madaxeedka 23-aad ee madaxda wadamada ku bahoobay Suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA) oo ka kooban 21 wadan oo Afrikaan ah si kor loogu qaado isdhexgalka gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here